3570 Views

Gaadiidka Muqdisho oo saakay shaqadi ka fadhiistay.

Gaadiidka Muqdisho oo saakay shaqadi ka fadhiistay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 29, 2016: Dadka wada gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho, ayaa saakay waxay ku dhaqaaqeen shaqo joojin kadib markii ay sheegeen in Lacago Xad-dhaaf ah looga qaado Wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood iyo Lacag kale oo ay ku sheegeen in ay tahay Caymis oo lagu amray Gaadiidleyda in ay bixiyaan, taas oo ah xaaraan.

Qaar kamid ah dadka ku shaqeeya Gaadiidka Dadweynaha oo la hadlay Warbahinta e ayaa sheegay in aysan Awoodin bixinta Lacagta Faraha badan ee lagu soo rogay,waxaana ay sheegeen in ay Go’aan ku gaareen in Shaqada ay joojiyaan, si ay u muujiyaan in laga gardaran-yahay.

Dhanka kale Iskaashatada gaadiidleyda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Saakay ay shaqada joojiyeen ilaa 10 Kun oo ah Gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Gaadiidka Xukumadda Soomaaliya weli kama hadlin shaqo Joojinta ay ku dhawaaqeen milkiila-yaasha iyo kuwa kaxeeya Gaadiidka dadweynaha ee ka cabanaya lacagaha qaladka ah ee maalin kasta laga qaado.

Arrintaan waxaa ka dambeeyaan, Maamulka Gobolka Banadir iyo Caymiska lagu magaccabo “TAKAAFUL.” kuwaas oo an wax fikrad ah ka haysanin, habka Caymisyada kala duwan ay u shaqeeyaan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment