3897 Views

Shiinaha oo lacag ugu deeqday AMISOM

Shiinaha oo lacag ugu deeqday AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 29, 2016: Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in Dowladda Shiinaha ay lacag ugu deeqday ciidanka Midowga Afrika ee ka howgala gudaha Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM.

Shiinaha ayaa sheegtay in ay muhiinm tahay in la taageero ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM  ee howgalka ka wadda Soomaaliya si ay nabad uga dhaliyaan waddanka.

Dowladda Shiinaha ayaa ugu deeqday $ 1.2 Million  oo dollar Ciidanka AMISOM, Waxaana lacagtaasi loogu tala galay  qalabeynta iyo tababarada ciidanka AMISOM.

Guddoomiyaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika Ismail Chergui ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay dowladda Shiinaha ay ugu deeqday lacag dhan 1.2 Million oo dollar oo loogu tala galay in lagu hormariyo ciidanka Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.

Dowladda China ayaa sheegtay in ay taageerayso dadaalada Nabada loogu raadinaayo Soomaaliya.

Ciidanka AMISOM ayaa maalinba maalinta ka dambeeysa la kulmaya weeraro ka imaanaya Xarakada Al-Shabaab  ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya, qaarkood.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment