13221 Views

Beesha Daa’uud oo muran xoog leh ka dhax taaganyahay

Beesha Daa’uud oo muran xoog leh ka dhax taaganyahay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 30, 2016: Maalmihii la soo dhaafay ayaa muran xooggan ka taagnaa cida xaq u leh Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Daa’uud Abgaal, iyadoo is qab qabsiga iyo muranka ka taagnaa Kursigan uu sababay inuu dib u dhac ku yimaado doorashada kursigaas oo lagu waday in aay dhacdo maalmahi la soo dhaafay.

Odayaasha Dhaqanka Beesha Daa’uud ayaa isku mari waayay in qolo gaara tartanka doorashada Aqalka Hoose galeeyso iyo in Beesha Daa’uud uu ka dhaxeeyo kursigaas Balse Beesha Yuusuf Daa’uud ayaa ku andacoonaya in Beesha Isaaq Daa’uud aay horey u qaadatay kursiga Aqalka Hoose sidaas darteed aan lagula tartami karin Kursiga Aqalka Hoose Beesha Yuusuf Daa’uud .

Saddexda Musharax ee Kursigan u ordeysa ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Axmed Beerey iyo Eng. C/qaadir Carabow oo labaduba ka soo jeeda Beesha Yuusuf Daa’uud iyo C/llaahi Sheekh Xasan oo ah Wasiirka Ganacsiga Maamulka Koofur Galbeed, kana soo jeeda Beesha Isaaq Daa’uud.

Muranka iyo dooda ka taagneyd Kursigan oo kala qeybiyay Beesha Daa’uud ayaa waxay noqotay in Maamulka Hirshabeelle uu soo dhex galo, iyadoo Odayaal ka soo jeeda labada beel uu kala hadlay sidii loo xalin lahaa.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo kulan la yeeshay odayaasha Beesha Daa’uud ayaa ka dalbaday in Tartanka laga reebo C/llaahi Sheekh Xasan, maadaama Beesha Isaaq Daa’uud ay heshay Kursiga Aqalka Sare, kaas oo la siiyay Muse Suudi.

Madaxweyne Cosoble ayaa u sheegay Odayaasha Beesha Daa’uud in horay Maamulkiisa uu qaaday tallaabo Tartanka Kursiga Beesha Cali Madaxweyne looga saaray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, iyadoo la fiirinayay saami qeybsiga, isla markaana isagoo ogaa in aysan jirin cid uga dhow C/fataax uu tallaabadaas u qaaday maamulka.

Ugaaska Maxamuud Cali Ugaas ayaa ka hor-yimid qorshe uu waday Madaxweynaha Hirshabeelle, kaasoo ahaa in Tartanka laga joojinayo C/llaahi Sheekh Xasan, waxaana Ugaaska ku hanjabay hadii laga saaro Tartanka C/llaahi Sh. Xasan uu kala diri doono Ergada Beesha Daa’uud, gaar ahaan kuwa Isaaq Daa’uud.

Fikradaha qaar ayaa sheegaya in Ugaas Maxamuud Cali Ugaas uu taageerayo C/llaahi Sheekh Xasan oo ku adkeysanaya in kursigan u tartamo, maadaama Kursiga Aqalka Sare ee uu ku guuleystay Muuse Suudi uu ahaa kursi Wacbuudhan, sidaas darteedna aanu Kursiga Aqalka Hoose cid u gaar aheyn.

Lama yaqaan halka uu ku dambeyn doono is qab qabsiga iyo murankan taagan, waxaana muuqata in loolanka Kursigan ka taagan ay ku lug leeyihiin Madaxtooyada iyo Maamulka Koofur Galbeed ee uu madaxa u yahay Sharif Xasan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment