4764 Views

Doorashada Banaadiriga oo Muqdisho ka bilaabanayso.

Doorashada Banaadiriga oo Muqdisho ka bilaabanayso.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 30, 2016: Maanta ayaa la filayaa in doorashada Aqalka Hoose ee Xildhibaanada laga soo dooranayo Beelaha Banaadiriga ay ka bilaabato Xaruunta Gaagiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.

Wararka an ka heleeyno goobta uu shirku ka dhacayo ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyay Ammaanka meeshaasi,iyadoo laamaha Amniga ay soo saareen amaro la xiriira ammaanka inta lagu guda jiro doorashooyinka goobtaas ka dhacayo.

Xubnaha lagu dooranayo Magaalada Muqdisho ee Beelaha Banaadiriga ayaa gaaraya 3 xubnood, waxaana dooran doona ergooyin horey loo magacaabay.

Guddiga doorashada dadban ee heer Federaal ayaa horay u sheegay in doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Beelaha Banaadiriga ay ka dhaceyso Muqdisho, iyadoo la filayo in maalmaha foodda nagu soo haya, ay sidoo kale Muqdisho ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee xubnaha ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya, “Somaliland”.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment