3660 Views

Ra’iisul Wasaaraha oo ku amray Ciidamada NISA in aysan faragashan howlaha doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha oo ku amray Ciidamada NISA in aysan faragashan howlaha doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 30, 2016: Cumar C/rashiid, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa ku amray Ciidamada NISA inay faraha kala baxaan ama y joojiyaan faragelinta ay ku haayan doorashada dadban ee ka socota Gobolada dalka Soomaaliya.

Amarkaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa loo kala diray, Guddiga doorashada dadban, laamaha amaanka iyo Beesha Caalamka, waxaana lagu wargeliyay ciidamada NISA inay faraha kala baxaan arrimaha doorashada, isagoo ku eedeeyay xiritaanka oday dhaqameed ka tirsan kuwa ka soo jeeda Gobolada Waqooyi oo ka tirsan Odayaasha 135-ta.

Qoraalkan oo soo baxay maalintii shalay oo ku taariikheysneyd 29 Bisha November ayaa lagu faray Guddiga amniga doorashooyinka in la ilaaliyo habsami u socodka howlaha doorashooyinka, lagana daayo qaska hoose.

Hoose ka Aqriso Warqada

warqad-cumar

 

 

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment