4686 Views

Shibis oo ku guuleeysatay Doorashada Aqalka Hoose Jowhar

____________________________________________________________________________

Muqdisho, Dicember 1, 2016: Doorashada kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Galmaax waxaa ku guuleysatay Drs Mina Xasan Maxamed, kaddib markii ay heshay codad gaaraya 27 wareegii ugu horeeyay ee doorashada ee tartanki Jowhar.

Doorashada oo aheyd mid aad u adkeyd ayaa maalin ka hor u baaqatay is qab qabsiga iyo muran ka dhashay ergada dhaxdeeda.

Drs. Mina Xasan Shibis ayaa saddex cod kaliga kaga adkaatay Musharaxii kale ee tartanka kala dhaxeeyay oo lagu magacaabo Bakiin Maaxi Macalin oo heshay 24 kursi.

Guusha Mina Xasan Shibis ayaa ka dhigeysa in kursigii ugu horeeyay ee haweenka ay ku lahaayeen beesha Abgaal ay ku soo baxday, iyadoo labadii kursi ee ka horeeyay loo diiday inay haween ku matalaan.

Inkastoo Mina ay ku guuleysatay codad kooban ayaa hadana loo arkaa inay tahay qof ku haboon guusha ay gaartay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment