12201 Views

Qaybsiga xubnaha aqalka sare ee Somaliland iyo Puntland

Qaybsiga xubnaha aqalka sare ee Somaliland iyo Puntland
____________________________________________________________________________

somaliland3

Toronto | QOL | 1 December 2016 | Shirarkii wada tashiga ee mudada dheer socday laguna go’aamiyay 54 xubnood ee aqalka sare ee federaalka Soomaaliya, waxaa loo qaybsaday min 8 Xubin oo la siiyay Maamullada Galmudug, Koonfur galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle kuwaasoo noqonaya isugaynta xubnaha afartaas maamul 32 Mudane, laakiin waxaa Iyana helay xubnahaas xubno ka badan degaamada puntland iyo Somaliland kuwaasoo loo qoondeeyay min 11 xubnood, xubnahaas oo tirada Mudanayaasha aqalka sare ka dhigaya 54 xubnood.

Waxaa jirtay doodo badan oo arintaa laga keenay iyo sida ay dad badani u arkeen sadbursi loo tirinayay inay labadaas degaan dadkooda loo sadburiyay, laakiin hadii aan sii fasiro arinkaas sida ay ku saami qaybiyeen wuxuu ku saleeysnaa hab degaameedkii ama khariiddadii Soomaaliya ay lahayd burburka ka hor 1991.

Maamulka Puntland markii lagu cabiro qaab dhismeed goboleedkii 1991 ka horeeyay ee uu wadanku ahaa 18 gobol wuxuu ka kooban yahay ama sheegtaa Gobollada Bari, Nugaal, Sanaag, Sool iyo qayb ka mid ah gobolka Mudug, hase yeeshee maamulka Puntland waxay awood maamul iyo mid ciidan ku leeyihiin Gobollada Bari, Nugaal iyo qayb ka mid ah Gobolka Mudug.

somaliland3

Maamulka Somaliland wuxuu sheegtaa Dhulkii la oran jiray British Somaliland ama Waqooyiga Soomaaliya ee uu Ingiriisku gumaysan jiray, waxayna sheegtaan ama maamulkoodu ka taliyaa gobollada W/galbeed, Awdal, Togdheer, Sool iyo Sanaag, gobolladaas oo xaqiiqadu tahay in maamulka Somaliland uu awood maamul iyo mid ciidan ku leeyahay.

Saamiga 11-ka xubnood ee la siiyay maamulladdaas waxaa loola jeedday in 3dexda xubnood ee dheeriga ku ah maamul walba ka keeno degaannada Sool iyo Sanaag oo ay beelo Puntland iyo Somaliland kuwada abtirsada degaan, iyadoo 6-daas xubnood la islahaa waa lixda ugu muranka iyo shakiga badan.

Way adag tahay in maamulka Puntland oo u dhisan qaab beeleed uu soo xulo xubno beel aan beelaha Puntland ku abtirsada ka mid ahayn taasoo ka hor imaaneeysa dhaqanka iyo qabka qabiillada Soomaalida ee soo jireenka  ah, xulid Xildhibaanno ku abtirsada beelaha Isaaq ee Sool iyo Sanaag degana ay tahay mid aan macquul noqon karin.

Sidoo kalena Somaliland oo aan ka mid ahayn maamulka Federaalka Soomaaliya degaanadoodu suurtagal kama aha in doorashooyin lagu qabto hasa yeeshee way ka yara fududahay iyadoo la adeegsanayo magaca qaranka Soomaaliya in xubno xildhibaanno matela degaannadaas loogu dhoodhoobo magaalada Muqdisho sidii horeba loogu dhoodhoobi jiray xubno maqaarsaar ah degaannadaasna ku abtirsada, sidaa daraadeed waxay maamulka doorashooyinka Soomaaliya ku taliyeen in 11-ka xubnood ee Somaliland iyo 3-dexda Puntland 14-koodaba Xamar lagu doorto.

Mustafa Salad Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment