5109 Views

Danjire Cawad oo soo gabagabeeyay isboortigii sanadlaha ee Atlanta +SAWIRRO

Danjire Cawad oo soo gabagabeeyay isboortigii sanadlaha ee Atlanta +SAWIRRO
____________________________________________________________________________

Atlanta, GA | December 1, 2016 – Waxaa sanad kasto bisha November lagu qabtaa Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka tartamo Isboorti ee Kubadda Cagta iyo Kubadda Koleyga oo ay ka soo qeyb galaan Gobolo ka socda Dalka Mareykanka iyo kuwa ka socdo dalka Kanada,waxaana sanadkaan ka soo qeyb galay Kooxo ka kala socdo Goboladda kala ah Ohio,Virginia,North Caroline,Tennesse,Minneapolis,Wahington Seattle iyo Kooxo ka socday Kanada,kuwaaso ku kala tartamaayey abaalmarino kala duwan oo ay ugu kale guuleysteen  sidan,Kooxda Juba ee Atlanta ayaa ku guuleysatay Koobkii kuwa ka yar 14 jiradda,Ciyaartoyda ka yar 18 jirada waxa ku guuleystay Koox ka socotay magaaladda tennesse,kooxahaasi dhamantooda waxay soo bandhigeen ciyaar loo bogay oo ay sacabo badan ku muteysteen,sidoo kale Ciyaarta Kubadda Koleyga waxa ku guuleystay Kooxdii reer Atlanta.

cawad-18

Waxa ugu horeyntii halkaa ka hadlay Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Isboortiga Mudane Aweys Fundi iyo Caydiid Jeenyo kuwaa oo ka hadlay marxaladihii kala duwanaa uu soo mary Guddigani oo udubadda loo taagay sanadkuu markuu ahaa 1999,waxay mahad aan la koobi karin u jeediyeen Bulsho weynta reer Atlanta oo mar kastaba garab iyo gaashaan u ahaa himilooyinka uu Guddigaani tiigsanaayo,waxay kaloo ka hadleen arrimaha farsamadda ee Ciyaarahaan lagu maamulaayey,waxayna si gaar ah ugu mahadceliyeen Guddiga Farsamadda oo shaqadii ay qabteen ay aheyd mid lagu faani karo isla markaana hormuud u aheyd in uu hirgalo barnaamijkaan,waxaana halkaa loogu jeediyey Mahadnaq aan la koobi karin,waxayna kala ahaayeen JAAMACEY,CABDIQANI,JAAMACEY,MOW IYO SHAAFICI,waxaana lagu bogaadiyey in hawshaas mutadawacnimadda ah in ay halkaasi ka sii wadaan.

cawad-8

Mudane Cumar Shekhey Gudoomiyaha Jaaliyada iyo Mudane Cabdi Isaaq ayaa iyagan waxay u mahadceliyeen Safiirka Mudane AXMED CIISE CAWAD oo sanadkaan ku soo sharfay in uu kala qeyb galo tartamadda Isboortiga ee Atlanta,iyagoo sheegay in taarikhda Magaaladda Atlanta ay ka geli doonto bogageyda Dahabiga,waxay kaloo u mahadceliyeen dadweynaha reer Atlanta oo muujiyey isku duubnaan oo sahashay in la gaaro guulahaan.

Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga ee Atlanta ayaa waxa uu ka waramay ujeedada tartamadaani loo abaabulay,iyadoo taarikh ahaan uu soo bilawday 1983,waxaana laga bilaabay Magaaladda Virgina,iyadoo looga gol lahaa in dhalaanka Soomaaliyeed lagala dagaalamo waxyaabaha wax yeeli kara mustaqbalkiisa,waxa kaloo ujeedada ugu muhimsan ay aheyd in la helo dhalinyaro ka qeyb geli karta xulalka qaranka Soomaaliyeed iyadoo aad moodo in waxoogaa lagu guuleystay,waxaana dhiman wax badan iyado la hayo jidkii lagu gaari lahaa,waxaana maanta magaalooyinka waaweyn ee Waqooyiga Amerika ka jiro kooxo aad u dhalin yar oo lagu abaabiyo Isboortiga noocyadiisa kala duwan,waxaana rajeyneynaa in mustaqbalka dhaw laga gaaro hadafka laga lahaa.

cawad-3

Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa Tartamadaasi soo gabagabeeyey isagoo ugu horeen ka hadlay sidii wacneyd ee loogu soo dhaweeyey Magaaladda Atlanta oo runtii igu reebtay xusuus aan la iloobi karin,waxaa uu mahad balaaran u jeediyey Dadweynaha reer Atlanta,Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Cumar Shiikhey,Guudiga Isboortiga,Mudane Cabdi Isaaq,Maxamed Suufi iyo Saciid Jordan kuwa oo runtii qeyb weyn ka qaatay soo dhaweynteydii,

waxaa kaloo Danjire Cawad ka hadlay Taariikhda Isboortiga waxaa uu ka soo bilaabay waqtiyadii Griiga isagoo sheegay in loo adeegsan jiray Isboortiga nabad ku wada noolaashaha iyo in lagu walaaleeyo shucuubta kala duwan ee addunweynaha,Danjire Cawad waxa kaloo uu sheegay in isboortiga uu yahay awooda looga gudbo dadka laga kala xiray(BREAK DAWN THE BARRIERS),waxa kaloo ka sheekeeyey dhibaatooyinkii ay soo martay sida Tartankii Olympigadda ee 1936 ee lagu qabtay Barliin oo uu markaa ka talinaayey Keligii taliyihii HITLER oo muujiyey in uusan raali ka aheyn Guushii JESSE OWNES oo ku guuleystay 4 Bilad oo dahab ah kana socday qowmiyadda Maddaw ee Mareykanka iyo Biladii uu Marxuum Maxamed Cali Klay uu ku guuleystay tartankiiOlimpigadda ee lagu qabtay Magaaladda ROME sanadku markuu ahaa 1960 ka dibna uu ku tuuray webi ku yaal Gobolka OHIO isagoo kaga dhiidhinaayo dhibaatadda lagu hayey Mareykanka Madaw,

cawad-15

waxaana uu sheegay in maanta la garwaaqsaday in Isboortiag lagula dagaalami midabtakoor nooc kasto,ugu dambeyntii waxa uu sheegay siyaasadda Dawladda Soomaaliyeed ka leedahay Isboortiga oo ah in la abaabulo tartamo isboorti oo ka dhaxeeyeo dhalinyaradda Soomaaliyeed iyadoo talaabadii hore lagu guuleystay Tartankii Maamul goboleedyadda ee lagu qabtay Magaaladda Muqdishu taa oo ay ka soo muuqatay ididiilo aad iyo u sareysa,waxaana Danjiraha loo tumay sacab aad iyo aad u qiimo badan iyadoo loo qaaday Heestii SOOMAALIYEEY TOOSO,TOOSOW ISKU TIIRSADA,waxaana ay xafladii ku soo dhamaatay si farxadi ku dheehantahay.

cawad-12 cawad-2 cawad-8 cawad-9 cawad-16 cawad-6 cawad-14 cawad-1 cawad-13 cawad-4 cawad-19 cawad-5 cawad-7 cawad-11

.

.

W/D: Dr. Cali Cusmaan Cali

Gudoomiyaha Isboortiga Atlanta

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment