3363 Views

Ciidamada Puntland oo la wareegay degmada Qandalla

Ciidamada Puntland oo la wareegay degmada Qandalla
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Dicember 4, 2016: Wararka naga soo gaarayo degmada Qandalla ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidanka Puntland si buuxda gacanta ugu dhigeen degmadaasi.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Puntland ee hogaamineysa dagaalka ayaa sheegay in hada ay ku sugan yihiin gudaha magaalada,islamarkaana dagaalyahanada Daacish ay u carareen dhanka buuraha.

Ururka Daacish ayaa mudo 2-bil gacanta ku hayay,waxaana hada magaalada laga dareemayaa cabsi xoogan,waxayna shacabka ay yihiin kuwo wadnaha farta ku haya.

Labo askari oo ka tirsan Puntland ayaa ku dhaawacmay dagaalka,iyadoo aan la ogaan karin qasaaraha gaaray dhanka Daacish.

Dagaalka Qandalla ayaa waxaa ka qeyb qaatay Ciidanka Badda Puntland kuwaasi oo dhanka Badda ka weeraray.

.

.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment