3096 Views

Xubno lagu doortay maanta magaalada Muqdisho iyo Jowhar akhriso magacyada

Xubno lagu doortay maanta magaalada Muqdisho iyo Jowhar akhriso magacyada
____________________________________________________________________________

December, 04, 2016 – Iyadoo wali gobollada dalka ka socdaan doorashooyinka xubnaha aqalka hoose, ayaan lagu doortay magaalooyinka Muqdisho iyo jowhar xubno ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee ee sanadkan 2016ka.

Magaalada Muqdisho doorasho qeyb ka aheyd kuraasta beellaha Banaadiriga ayaa waxaa ku soo baxay labo xubnood oo kala ah Jeylaani Nuur Iikar guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday iyo Faadumo Axmed Nuur oo wareegii ugu danbeeyay ee doorashada heshay dhamaanba codadkii ay dhiibteen ergada.

Dhinaca magaalada Jowhar waxaa xubinnimada aqalka hoose ku guuleystay xildhibaannada kala ah Eng C/qaadir Caraboow iyo Khaliif Cabdi Cumar oo horay guddooomiye ku-xigeen uga soo noqday gobolka Hiiraan.

Maalmaha soo socda ayaa lagu waddaa in gabi ahaanba la soo gabagabeeyo doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee ka soconaya gobollada dalka qaarkood,  hasse ahaatee waxaa wali harsan doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada W/qooyi oo wali khilaaf uu ka taagan yahay.

.

.

.

.

_________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment