3354 Views

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo gaaray Cadaada

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo gaaray Cadaada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Dicember 5, 2016: Wafdi uu hoggaaminaya Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Soomaaliya, Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta ku meel gaarka ah ee maamul Goboleedka Galmudug.

Mudane Suleymaan oo uu safarka ku wehlinayay xeerilaaliyaha guud ee Qaranka Dr.  Axmed Cali Daahir,  waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo xubno ka mid ah golaha Wasiirrada maamulkaasi.

Guddoomiyaha iyo Mas’uuliyiinta la socota ayaa inta ay ku sugan yihiin Cadaado waxay kulamo la qaadan doonaan Madaxda ugu sarreeysa Galmudug iyo qaar ka mid ah Wasiiradda.

Wafdiga ayaa sidoo kale u kuur geli doona habka ay u shaqeeyaan Garsoorka iyo Maxkamadaha Galmudug, waxanay kormeer ku tegi doonaan xabsiyada iyo xaaladda maxaabiista ku jirta halkaasi.

Guddoomiyaha iyo Xeer ilaaliye Axmed Cali ayaa sidan oo kale dhowaan kormeer ku tegey Magaalada Kismaayo, si ay wax uga ogaadaan shaqada Garsoorka iyo Maxkamadaha Dalka.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment