2859 Views

Maxaad kala socotaa Qorshaha uu Madaxweyne Xasan u tegay Kismaayo?

Maxaad kala socotaa Qorshaha uu Madaxweyne Xasan u tegay Kismaayo?
____________________________________________________________________________

Kismaayo-Soomaaliya: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta gelinka dambe Booqasho ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in safarka Madaxweynaha uu salka ku haayo Ololihiisa Doorashada, iyo sidii uu usoo xod xodan lahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa lagu wadaa in isla maanta Kismaayo kula kulmo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Jubbaland.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweynaha uu kala hadli doono Axmed Madoobe nidaamka hirgelinta doorashooyinka, iyo sidii uu u saxiixi lahaa liiska Xildhibaanada labada aqal oo uu maalin ka hor shuruud ku xiray Axmed Madoobe in aanu saxiixeyn, iyadoo aan la xalin tabashada Puntland.

Safarka Madaxweyne Xasan ee Kismaayo ayaa kusoo beegmay labo maalin kadib booqasho xod xodasho ah oo uu halkaasi uu ku tegay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo ah Musharaxa ay xilligan sida aadka ah ugu loolamayaan doorashada.

.

.

.

_________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment