3309 Views

Mudane Carte “Xilka la ii doortay waxaan kor ugu qaadi doonaa sharafta iyo karaamada dhamaan dadka Soomaaliyeed”

Mudane Carte “Xilka la ii doortay waxaan kor ugu qaadi doonaa sharafta iyo karaamada dhamaan dadka Soomaaliyeed”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 6, 2016 – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta ku guuleystay kursiga 1aad ee Xildhibaanada Somaliland isaga oo helay 47 cod.

Mudane Maxamed Cumar Carteh oo qudbad xamaasad leh ka jeediyay goobta ayaa u ballanqaaday ergada iyo dadka Soomaaliyeed in masuuliyadda la saaray uu si hufnaan leh u gudan doono.

“Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Allaahu Akbar; Illaah baa baxsha darjada kana qaada cidda uu doono. Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan ergada ii doortay inaan magacooda ku matelo golaha shacabka, waxa aan u ballanqaadayaa inaan sharaftooda kor u qaado kana shaqeeyo danaha dadka Soomaaliyeed”.

xld-carte-2

Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in dadka Soomaaliyeed u baahanyihiin nabad iyo horumar islamarkaana uu ka shaqeeyn doono.

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay mudan yihiin una baahan yihiin dal nabdoon oo barwaaqo ah; waa taa balanta aan ku shaqeyn doono intii karaankeyga ah”.

Mudane Carteh ayaa ugu dambeyn bogaadiyay guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Gobol islamarkaana mahadcelin ballaaran u jeediyay ciidamada amniga oo si sharafleh u gutay hawshii qaran ee ay u xil saarnaayeen.

.xld-carte-3

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment