3339 Views

RW Ku-Xigeenka oo ka qeybgalay kulanka khamiislaha ah ee Ciidanka Booliska

RW Ku-Xigeenka oo ka qeybgalay kulanka khamiislaha ah ee Ciidanka Booliska
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta ka qeybgalay kulan khamiis kasta Ciidanka Booliska ku soo bandhigaan guulaha ay gaaraan isbuuc walba.

Mudane Carteh ayaa aad ugu farxay dhalinyarada cusub ee ka soo qalin-jebiyey Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare oo ku soo biiray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed islamarkaana ku bogaadiyay go’aanka ay qaateen ee ah in ay dalkooda u shaqeeyaan.

“Waxa aan aad ugu faraxsanahay maanta inaan arko dhalinyaro aqoonyahano ah oo ku biiray Ciidanka Booliska, waxa aan aaminsanahay in ay door weyn ka ciyaari doonaan xasilinta dalka”.

Raisal Wasaare Ku-Xigeenka ayaa u mahad celiyay Taliyaha iyo dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska isaga oo ku dhiirageliyay in ay kordhiyaan howsha ay qaranka u hayaan.

“Waxa amaan idinkaga timid shacabka oo aad ku muteysateen xaqiijinta amniga doorashooyinka dalka ka socda gaar ahaan magaalada Mudisho, Waxa aan idinku dhiiragelinayaa in aad dar-dargelisaan howsha ballaaran ee aad dadka iyo dalka u heysaan”.

Ugu dambeyn RW Ku-Xigeenka ahna Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyan hay’adaha amniga si loo sugo amniga dalka.

dpr-kulan-cidanka-police-ka-3 dpr-kulan-cidanka-police-ka-1

.
.
.
__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment