3729 Views

Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan oo codsi u diray M/weyne Xasan Sheekh (Maxaa cusub)?

Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan oo codsi u diray M/weyne Xasan Sheekh (Maxaa cusub)?
____________________________________________________________________________

Baydhabo | December 12, 2016 – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa dowladda Somaliya ugu baaqay in ay darajooyin guddoonsiiso Saraakiisha ciidanka dowladda Somaliya ee ka shaqeynaayay Doorashadii Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee lagu soo gabagabayeeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxa uu sheegay in ay wax badan ay u qabteen bulshada ku nool deegaanada maamulka Koonfur Galbeed , islamarkaana ay u shaqeeyeen si howlkarnimo leh.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay ciidamada inay mudan yihiin ammaan, maadaama ay sameeyeen dadaal dheeri ah oo ku aadan hanaanka suggida ammaanka deeganada Koonfur Galbeed iyo la dagaalanka Al Shabaab.

Waxaan rajeynaynaynaa Dowladda Somaliya oo Madaxweynaha ugu horeeyo ciidamada reer Koonfur Galbeed ee cadowga la dagaalamo, waxaan ka codsaneynaa mid waliba inuu dalacsiiyo oo darajooyin siiyo, gaar ahaan kuwii ka shaqeynaayay Doorashooyinka.” Ayuu yiri Shariif Xasan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa sidoo kale ka dalbaday Ururka Midowga Afrika inay dalacsiiyaan ciidamada Amisom ee Somaliya jooga oo kaalin weyn ka qaatay suggida ammaanka dalka Somaliya.

Hadalka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan lagu soo gabagabeeyay Magaalada Baydhabo Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.-

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment