2817 Views

Madaxweynaha oo ugu hambalyeey Galmudug & Hirshabeelle soo dhameeystirka doorashooyinka

Madaxweynaha oo ugu hambalyeey Galmudug & Hirshabeelle soo dhameeystirka doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho 12 December 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Dowlad Gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle oo soo dhameeystiray doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka kala dhacayey magaalooyika Cadaado iyo Jowhar.

Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinkii Golaha Shacabka ee ka dhacay Cadaado iyo Jowhar ay u qabsoomeen si xasilooni iyo dimuqraadiyad ku dheehan tahay .

Madaxweynaha ayaa ammaan iyo mahad-celin u jeedinaya Madaxda Dhaqanka iyo Madaxda Dowlad Gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabelle Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed oo guulo ka gaaray doorashooyinkii Golaha Shacabka ee ka dhacay magaallooyinka Cadaado iyo Jowhar.

Madaweynaha, ayaa ku baaqayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo dhameystiro doorashooyinka Golaha Shacabka ee harsan iyada oo la ilaalinayo nidaamka sharci ee u degsan doorashooyinka.

Ugu dambeyntii,Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ku tallaabsatay horumar weyn oo dhanka dimuqraadiyadda iyo dowladnimada ah, isagoo uga mahad-celiyey shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka kaalintooda ku aadan hirgelinta doorashooyinka.

.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment