4080 Views

Maxay ku heshiiyeen RW Cumar Cabdi-Rashiid iyo Cabdi-raxmaan Faroole – (Kulankii Maanta)?

Maxay ku heshiiyeen RW Cumar Cabdi-Rashiid iyo Cabdi-raxmaan Faroole – (Kulankii Maanta)?
____________________________________________________________________________

Garoowe | December 12, 2016 – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan ay magaalada Garoowe ku yeesheen madaxweynaha Puntland iyo labada musharax ee Cabdi Raxmaan Faroole iyo RW Cumar Cabdi Rashiid.

Kulan ayaa ka dhacay guriga uu ka degan yahay Garoowe Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo hadda kamid ah xubnaha Aqalka Sare ee aan wali la dhaarin ee DFS, iyadoo ay ka qeybgaleen Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas & Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo isna hadda Xildhibaan Aqalka Sare ah.

Xogta soo gaartay Warsidaha waxay daaha ka rogaysaa in shirkan badankiisa looga hadlay xaaladdaha Siyaasadeed ee Soomaaliya, si gaar ahna waxaa diirada loo saaray Doorashooyinka Madaxtinimada ee ka dhacaysa Muqdisho.

faroole-sharmaarke-gaas

Ilo ku dhaw dhaw waxay cadeynayaan in si aad ah looga wada hadlay, sidii Hal musharax loo taageeri lahaa, sidaas oo kalena loo meelmarin lahaa qorshe guud oo ay Puntland isku raacsan tahay.

Ra’iisulwasaare Sharmaake oo ay dhawr jeer horrey isku arkeen Madaxweynihii horre ee Puntland ayey uga wada hadleen arrimaha musharaxnimada, laakiin xogo soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiray mad-madow mudooyinkii u dambeeyey.

Xogtu waxay cadeynaysaa in shirkaas laysku afgartay in ay Puntland sannadkan doorashada Soomaaliya mideyso codadkeeda, sidaas oo kalena kulamo hoose lala yeesho cid kasta oo laga heli karo codadka Doorashada Madaxweyne-nimada Soomaaliya.

Mr. Sharmaake ayaa la sheegay in uu madasha ka cadeeyey in uu haysto taageerada Hogaamiyaasha dawlad gobaleedyada qaarkood, isagoo codsaday in lagu taageero sidii loola raadin lahaa gobalada qaarkood, gaar ahaana Waqooyi Galbeed.

Is faham guud ayaa dhexmaray sadexdan masuul, waxaaa laysku raacay in la taageero musharaxnimada Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaak, iyadoo sidaas oo kale ay jiri doonaan Musharaxiin ka soo jeeda Puntland oo tartan  ugali doona Aqalka Sare hogaamintiisa.

Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad xasaasi ah, waxaana kala guur ah hogaaminta dalka, iyadoo ay Beelaha Soomaalidu si gaar ah mid kasta u doonayso in ay guuleysato, taas oo ah oo arrimaha Isha sida gaarka ah loogu hayo.

Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka Cumar Cabdirashiid Cali ayaa kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee Madaxweyne-nimada Soomaaliya ee dhawaan dhacaysa 28-ka bishan December 2016, sida uu yahay Jadwalka Doorashadu.

.

.

Xigasho:  Horumar Online

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment