3777 Views

Qaabkii Doorashada Dadban ee 2016 uga dhacday mamul Goboleedyada dalka!

Qaabkii Doorashada Dadban ee 2016 uga dhacday mamul Goboleedyada dalka!
____________________________________________________________________________

Sida aan lasocono waxaa gabagabo ku dhow doorashooyinkii dadbanaa ee xildhibaanada aqal sare iyo kan hoose ee 2016 ka mid noqon doonaa xildhibaanada dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, hadaba sida aragtideyda tahay, waxaa muuqda in musuqmaasuq baahsani uu ka jiro xulashada xildhibaanada sidaa daraadeed ayaan qiimeynay halka maamul waliba uu kaga jiro musuqmaasuqaas.

PUNTLAND:- WAA LAGU KALA AARSADAY.

Waxaa la sheegayaa in Madaxweyne Gaas uu ku aarsaday Doorashadii la yiri maamul. islamarkaana uu dhamaan Xildhibaanadii Tolka ee ka hiiliyay 2012 kii markii uu u taagnaa Jagada Madaxweyna nimada kaga aarsaday. Musuqana waxa ay ka galeen kaalinta sadaxaad ‘3-aad‘.

GALMUDUG:- WAA LA ISKU XOOGAY.

Sida muuqata Cadaado waxaa ka dhacay wax fool xun. Iyo Musuqmaasuq uu muruqu wehliyo . waxaana lagu xoogay beelo badan iyo musharixiin badan. waxaana la yiri Nin xoog leh baa xaajo u toostaaye. .danba lagama galin Aayaha dambe ee Galmudug. Maadaama ujeedka loo dhisayba ay aheyd sida ka muuqata Madaxdeeda jaranjarada 2016 ka. Musuqana waa kaalinta Koowaad ‘1aad‘.

HIRSHABELLE :- WAA LA ISKU FURTAY.

Sida cad Doorashadii Hirshabelle waa qeybta labaad ee ugu musuq Maasuqa badan doorashooyinkii dhacay. waxaana ku baxay dhaqaale fara badan.oo keentay iney dhacaan wixii dhacay lahaa. Balse sii jiritaanka Hirshabelle waa ka rajo fiican yahay kan Galmudug. Musuqana waa kaalinta labaad ‘2aad‘.

K/GALBEED :- WAA LA QORSHEEYAY.

Sida cad Doorashadii K/galbeed waxaad moodaa inuu hal nin qorsheeyay sida Madaweyne Shariif Xasan .oo qof uusan Rabin islamarkaana aan aaminsaneyn in markaan aan lagu arkin qof u howooda Gudoonka Baarlamanka kama soo bixin. Musuq maasuqana waxa ay kaga jiraan Kaalinta Afaraad ‘4aad‘.

JUBALAND :- WAA LA ISKU AAMUSIYAY.

Sida ka muuqata Cabashada iyo qeylada sida hoose uga soo yeereysay K/Galbeed ma aheyn qaado qaboow waxa meeshaas ka dhacay . Balse waxay kaga duwaneyd Goobaha kale ee doorashooyinku ka dhacayeen ma jirin Beel ama Musharax awoodi karay in isagoo jooga Kismaayo uu saxaafadda la hadlo ama Saxaafad soo gudbin kartay cabashada Doorashooyinku. Musuqana waxa ay ka gashay kaalinta Shanaad ‘5aad’.

DIRTA WAQOOYI. COMING SOON.

Maadaama doorashadani weli socoto mase yara Cabashadoodu ilaa iyo hada inta la qabtay. dhanka Musuquna waxaa laga yaabaa ineey booska ka Riixan doonaan deegaano kale hadii ay sidaan wax ku sii socdaan.

BANAADIRIGA :- WAA LAGU KALA BAXAY.

Sida muuqata doorashadaani ma shanqar badneyn oo waxaadba moodaa in ceyriinka lagu soo kala baxay Cabashada waa jirtaa.. balse musuq kama marneyn oo waxa ay kaga jiraan kaalinta lixaad ‘6aad’.

.

.

NB: TANI WAA ARAGTIDEYDA.

W/Q: Abdulkadir Farah Dulyar

Xigasho: Horumar Online

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment