3657 Views

RW Ku-Xigeenka dalka iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Kismaayo

RW Ku-Xigeenka dalka iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka Mudane Maxamed Cumar Carteh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Afhayeenka Xukuumadda ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimada maamul goboleedka Jubbaland.

Mudane Carteh oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu maanta yimid magaalada Kismaayo islamarkaana uu kulamo la qaadan doono madaxda maamulka.

‘’Waxa aan ku faraxsanahay inaan maanta soo gaadhay magaalada Kismaayo; inta aan joogo waxa aan kulamo la qaadan doonaa madaxda sare ee Dawlad Goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada”

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa ugu dambeyn u mahad celiyay maamulka iyo dhamaan dadka soo dhaweyay isaga oo ku amaanay in ay noqdeen Dawlad Goboleedka ugu horreeyey ee soo dhameystira doorashooyinka 2016.

rwxigeenka-carte-gaaray-kismaayo-4 rwxigeenka-carte-gaaray-kismaayo-2 rwxigeenka-carte-gaaray-kismaayo-1 rwxigeenka-carte-gaaray-kismaayo-3

.
.
.
_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment