5415 Views

VIDEO: Gaas oo gudoonsiiyay xildhibaanada labada aqal ee Puntland shahaadooyin

VIDEO: Gaas oo gudoonsiiyay xildhibaanada labada aqal ee Puntland shahaadooyin
____________________________________________________________________________

Garowe | December 13, 2016 – Waxaa maanta magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland shahaadooyina aqoonsi ah la guddoonsiiyay xildhibaanada aqalka sare iyo kuwa aqalka hoose lagu doortay magaalada Garowe.

Guddiga doorashada Dadban ee heer Puntland ayaa xildhibaanada gudoonsiiyay shahaadooyinkooda kadib markii maanta si guud xildhibaanada loo meel mariyay iyadoo ay goob joog ahaayeen madaxda Puntland iyo raysal waaaraha dowladda federalka Soomaaliya.

Munaasabadan, ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, Guddoonka Baarlamaanka Puntland, Masuuliyiinta Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo xubno kale.

Madaxweynaha Puntland oo shahaadooyinka u qaybiyay Xildhibaanadan, ayaa mar uu la hadlaayay waxaa uu sheegay in juhdi dheer loo galay, tallaabada lagu soo doortay.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in Puntland ay tahay maskaxdii ka dambeysay in gobolada dib loogu laabto, laguna soo doorto Xildhibaanada ka mid noqonaya Baarlamaanka Somaliya.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdi-rashiid ayaa ammaanay maamulka Puntland. sida guusha leh ee ay ku soo dhameystirtay doorashadii labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay xildhibaanadu si deg-deg ah magaalada Muqdisho ugu duuli-doonaan si 15 bishaan uga qeyb galaan kalfadhiga ugu horeeya ee barlamaanka.

Madaxweynaha Puntland, Cabdi-weli Gaas iyo RW Cumar Cabdi-rashiid ayaa la filayaa in maalinta berito xildhibaanada geeyaan Xamar, iyagoo sidoo kale halkaas uga qeyb galaya shirka madasha qaran.

.shahaado-xld-2da-aqal-ee-puntland-7 shahaado-xld-2da-aqal-ee-puntland-5 shahaado-xld-2da-aqal-ee-puntland-8 shahaado-xld-2da-aqal-ee-puntland-11 shahaado-xld-2da-aqal-ee-puntland-10 shahaado-xld-2da-aqal-ee-puntland-12 shahaado-xld-2da-aqal-ee-puntland-9 shahaado-xld-2da-aqal-ee-puntland-6 shahaado-xld-2da-aqal-ee-puntland-2 shahaado-xld-2da-aqal-ee-puntland-1 shahaado-xld-2da-aqal-ee-puntland-3 shahaado-xld-2da-aqal-ee-puntland-4

.

Xigasho: Horumar Online

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment