3489 Views

Guddiga Doorashada oo billaabay shahaado siinta Xildhibanada cusub ee Baarlamaanka 2016

Guddiga Doorashada oo billaabay shahaado siinta Xildhibanada cusub ee Baarlamaanka 2016
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho | December 13, 2016 – Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka, ayaa bilaabay inay bixiyaan Shahaadooyinka Aqoonsiga Xubnaha Baarlamaanka cusub ee dalka iyo sidoo kale ID-Card Xildhibaanada.

Warqad ka soo baxday Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa loogu yeeray Xildhibaanada cusub inay yimaadaan Xarunta Villa Hargeysa, si ay halkaasi ugu qaataan Shahaadooyinka Aqoonsiyada ah ee Xildhibaanimadooda muujinaya.

Xubnaha qaar ee Baarlamaanka ka tirsan ayaa qaatay Shahaadooyinka, kuwaasi oo shalay ku xaadiray Xarunta Villa Hargeysa.

Inta badan Xubnaha Baarlamaanka cusub ee dalka, ayaa waxa ay ku maqan yihiin deeganadii laga soo doortay oo weli aysan ka soo dhamaanin, balse qaar kale ayaa weli ku sugan Magaalada Muqdisho.

Doorashadii ugu dambeysay ee xubnaha Aqalka hoose ee Garowe ayaa xalay la soo gaba gabeeyay, iyadoo 37 Kursi oo Puntland ay ka heshay Aqalka hoose lagu doortay Magaalada Garowe.

war-saxaafadeed-guddiga-doorashooyinka

.

.

.

.

______________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment