4167 Views

Madaxweyne Xasan oo sheegay xilliga uu furmayo fadhiga ugu horeeya ee BF Soomaaliya

Madaxweyne Xasan oo sheegay xilliga uu furmayo fadhiga ugu horeeya ee BF Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 13, 2016  –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada (Villa Somalia), ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa sheegay in fadhiga 1-aad ee Xildhibaanada Baarlamaanka uu Magaalada Muqdisho ka qabsoomi doono Khamiista soo socota, oo taariikhdu ay ku beegan tahay 15-ka bishan December (2016).

Madaxweynaha, ayaa Maamulka Baarlamaanka ugu yeeray in ay dedejiyan, sidii uu ku qabsoomi lahaa fadhiga 1-aad ee Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Madaxweynaha, ayaa intaa ku daray inay rajeynayan in qaybaha hore ee Xildhibaanada ku kulmaan Magaalada Muqdisho, haddii meel wanaagsan ay mareyso qabsoomida kulankoodii ugu horeeyay.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliya, ayaa ka hadlay khilaafka hareereeyay kuraasta qaar, isagoo xusay in Guddiga Xalinta Khilaafaadka looga fadhiyo in ay xal ka gaaraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tilmaamay in wax kasta oo hareer maray nidaamka doorashada, ay dib ugu laaban doonaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka, iyagoo shaqadooda u madax bannaan, ayuu yiri.

.

.

___________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment