4152 Views

Muxuu ku soo dhammaaday socdaalka RW Cumar Cabdirashiid ee Garoowe?

Muxuu ku soo dhammaaday socdaalka RW Cumar Cabdirashiid ee Garoowe?
____________________________________________________________________________

Garowe | December 13, 2016 – Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas oo ay wehliyaan Madaxdii horrey ee Puntland iyo xubnaha labada Aqal ee Puntland u matali doona dawladda Soomaaliya ayaa sagootiyey Ra’iisul wasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Garoowe.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdi-rashiid ayaa xalay la wada kulmay labada Aqal ee dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo guddiga Ole-olaha doorashadiisa, waxaana laysla qaatay go`aamo masiiri ah oo ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Cumar Cabdi-rashiid ayaa kulan khaas ah la qaatay Madaxda ugu sareysa dawladda Puntland iyo Siyaasiinta kusugan magaalada Garoowe, waxaa laysku afgartay in si toos ah loo taageero tartankiisa Madaxweyne-nimo.

Warar hoose oo ay helayso Horumar.com, ayaa cadeynaya in dhamaan 48 cod ee Puntland ka imaanaya ay balan qaadeen in ay ka fakarayaan masiirka Ummadda Puntland iyo tan Soomaaliyeed-ba oo ay codkooda ku taageerayaan Isbedel mug weyn oo ka dhaca Siyaasada Soomaaliya.

RW Cumar ayaa si deg deg ah ugu laabanaya magaalada Muqdisho, isagoo halkaas ay ka bilaaban doonta Loolanka ugu adag, maadaama xubnaha labada Aqal ay iskugu imaanayaan 14-ka bishan magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, guddiga Ole-olaha doorashada ee RW Cumar Cabdi-rashiid ayaa dadaal balaaran ugu jira sidii uu heli lahaa Xildhibaanada ugu badan ee labada Aqal ee Soomaaliya, waxaana tartanka ugu badan uu ku wajihi doona Madaxweynaha xilkiisa uu dhamaaday, Xasan Sheekh Maxamuud.

.
.
.

Xigasho Horumar Online

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment