4509 Views

Daawo: Dareenka shacabka: Doorasho Dadban, Xildhibaano Dadban oo dooran doona Madaxweyne dadban!

Daawo: Dareenka shacabka: Doorasho Dadban, Xildhibaano Dadban oo dooran doona Madaxweyne dadban!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 14, 2016 – Sida hada tirada lagu hayo musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha Soomaaliya waxay kor u dhaafayaan ilaa iyo 25,kuwaasi oo mid ujeedo gaar ah ka leh Xukunka dalka.

Dareenka ama guuxa ka yeeraya shacabka ah ayaa ah,intaan musharax oo madaxweynimo raba hadana soo bandhigaya qodobada ay doonayaan in mid kasta uu wax ka qabta oo aan si qoto dheer loo dhex galeyn.

Boorar waa weyn oo ay ku sawiran yihiin musharaxiinta madaxweyne ayaa ku dhegan wadooyinka magaalada Muqdisho,kuwaasi oo la doonayo in shacabka xayeysiin looga raadiyo,maadama go’aanka cod iyaga aysan lahayn.

28-ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha ka dib marka maalmaha soo socda la dhageysto khudbadaha musharaxiinta oo waxba ka duwaneyn kuwii hore.

Barnaamijka Dareenka shacabka iyo siyaasiga oo ka baxay Tv-ga Horn cable oo fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa ayaa diirada saaray musharaxiinta isku danta ah hadana kala ujeedada ah.

.

.

.

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment