3339 Views

Shirka Madasha Wada-tashiga oo la isku mari la’ yahay

Shirka Madasha Wada-tashiga oo la isku mari la’ yahay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 18, 2016  – Shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa maalintii 3aad galay, iyadoo la isku mari la’yahay qodobo ka mid ah kuwa looga hadlayo shirka.

Shirkii Madasha oo xalay la isla gaaray waqti dambe ayaa wali la isku afgaran go’aamada laga soo saarayo, waxaana taagan qodobo wali aan xal laga gaarin, gelinka hore ee maanta ayaa lagu wadaa in mar kale Madaxda isugu yimaadaan shir kale.

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa warbixin dheer laga dhageystay shirkii shalay, iyagoo faah faahiyay qaabka loo xaliyay 13 kursi oo ka mid ahaa 24 kursi oo horay Beesha Caalamka loo gudbiyay inay ahaayeen kuwo dacwadaha iyo cabashada laga keenay.

Madaxda Madasha iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa isku maandhaafsan sida laga yeelayo 11-ka kursi ee Guddiga doorashooyinka uu dhowaan laalay, iyadoo Madaxda maamul goboleedyada ay dalbanayaan in sidooda loo daayo, maadaama ay raalli ka yihiin.

Arrinta ugu weyn ee Beesha Caalamka ku dhegan yihiin ayaa ah in loo daayo labo kiis oo xubnaha la heysto ah, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in kiisaskaas ay ka mid yihiin dacwada Wasiirkii Dhalinyarada Maxamed Xasan Nuux oo natiijadiisa doorashada ay lalaeen Guddiga xalinta khilaafaadka iyo mid kale oo ah kiiska C/qaadir Gaafow oo la dhashay Taliyaha Nabadsugida Jen. Gaafow oo ka mid ah kuraasta lagu doortay Cadaado ee muranka iyo shakiga la geliyay qaabkii ay ku soo baxeen.

Labadan ayaa ah kuwa ay ku dhegan yihiin Beesha Caalamka oo ay doonayaan inuu noqdo kuwo xal kama dambeys laga gaaro, maadaama lagu tilmaamay inay yihiin kiisaskii ugu cuslaa ee ka dhacay Cadaado iyo Jowhar.

Sidoo kale qodobka kale ee la isku haayo ayaa waxaa uu yahay xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland, iyadoo Puntland ay doodeyso in xubno laga siiyo, gaar ahaan labada xubnood ee ka imaanaya Gobolada Sool iyo Sanaag.

Waxaa kaloo qodobka kale ee wali xalka laga gaarin ayaa ah waqtiga ay dhaceyso doorashada, maadaama dib u dhacyo badan ay jiraan, lagana yaabo in waqtigii horay loo qabtay mar kale dib u dhac rasmi ah uu ku yimaado.

Beesha Caalamka ayaa dooneysa in la cadeeyo waqti rasmi ah oo ku dhacda doorashada, hadii xitaa ay gaarto sanadka cusub ee 2017.

Madaxda Madasha ayaa qaarkood soo jeediyay in loo daayo waqtiga doorashada Baarlamaanka cusub, isla markaana marka uu fariisto u saaro Guddi doorashooyin ah, isla markaana soo saaro shuruudihii musharaxiinta iyo waqtiga doorashada dhaceyso.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shirka ka qeyb galeyn, halka Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed, Puntland iyo Hirshabeelle ay goob joog yihiin, sidoo kale Madaxda dowladda ayaa iyana shirka xaadir ku ah.

Shirka oo ku qorsheysnaa labo maalin ayaa maalin dheeraad ah qaatay, waxaana dhici karta in hadii aan qodobada qaar xal deg deg laga gaarin inuu sii daba dheeraado.

.

.

___________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment