3195 Views

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in AMISOM lagula xisaabtamayo tacadiyada dadka rayidka

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in AMISOM lagula xisaabtamayo tacadiyada dadka rayidka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 18, 2016 – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in marnaba ciidammada AMISOM looga hari doonin tacadiyada ay kula kacaan dadka rayidka ah lagula xisaatamayo.

Mar uu ka jawaabayay wax ay ka og-yihiin hooyo Soomaaliyeed oo dhawaan mid ka mid ah gadiidka AMISOM uu ku dilay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in ciidammada AMISOM dalka xoog ku joogin, sharcigana lala tiigsanayo cid kasta oo falkaa geysatay.

‘’ Ciidamada marka ay falalka noocan oo kale ah ku kacaan, waxaa ay ku muteystaan ciqaab adag, qaarkood ayaa xilalka ku waaya, mar marka qaarna xabsiyo dhaadheer ayaa lagu xukumaa’’ ayuu yiri xeer ilaaliyaha Qaranka.

Dhinaca kale, waxaa uu sheegay in falalka noocan oo kale ah gaar ahaan shilalka ciidamada AMISOM ka bixiyaan magdhaw, islamarkaana uu goob joog u ahaa bixinta magdhaw ay ciidamada siiyeen qoysas dhibaatadan oo kale ay u geysteen.

Ugu danbeyntii, caruurta hooyadii dhawaan ciidamada AMISOM ay ku dileen magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in ay magdhaw laga siiyo dilka hooyadood iyaga oo baaq u diray dowladda dhexe iyo midowga Africa.

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment