3939 Views

Xildhibaano cusub oo maanta Muqdisho lagu doortay

Xildhibaano cusub oo maanta Muqdisho lagu doortay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 19, 2016 – Lix Xildhibaan oo ku biiri doona Xildhibaanada Gobolada Waqooyi Somaliya, ayaa maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho, ka dib doorashada Xildhibaanadaasi oo maanta dib uga bilaabatay Caasimadda.

Kursiga 1-aad, ayaa waxaa ku soo baxay Ismaaciil C/raxmaan Sheekh Bashiir, ka dib doorasho laba wareeg ahayd. Wareegii 1-aad, ayuu Ismaaciil C/raxmaan Sheekh Bashiir uu helay 21 cod, iyadoo musharaxii 2-aad oo lagu magacaabo Cali Cismaan Cali uu helay 16 cod, halka musharaxa 3-aad oo lagu magacaabo Ibraahim Suleebaan Xaaaji Nuur uu helay 9 cod.

Wareegii 2-aad oo ay isugu soo hareen Ismaaciil C/raxmaan Sheekh Bashiir iyo Cali Cismaan Cali, ayuu Ismaacil C/raxmaan Sheekh Bashiir uu ku soo baxay 33 cod.

Kuraastii 2-aad, 3-aad iyo 4-aad oo dumar ay ku tartamayeen, ayaa waxaa ku soo baxay kuraastaasi Faaduma Ismaaciil Xuseen, Khadra Maxamed Tukaale iyo Suuri Duuriye Carab.

Cismaan Cilmi Boqore iyo Xaamuud Cali Xasan, oo ah Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Somaliya, ayaa ku tartamay kursigii 5-aad. Boqore ayaa helay 25 cod, halka Xaamuud uu isna helay 22 cod. 1 cod ayaa xumaaday, waxaana wax dooraneysay 48 ergo.

Kursiga 6-aad, ayaa waxaa ku loolamay C/raxmaan Axmed Suge iyo Maxamed Axmed Suge oo wada dhashay, waxaana doorashadan oo hal wareeg ahayd 24 cod ku soo baxay C/raxmaan Axmed Suge.

Guddiga Doorashada ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, ayaa mid mid ugu dhawaaqay natiijada doorashada, waxaana ay sheegeen in si nabadgelyo leh ugu soo idlaatay doorashadii maanta.

 

 

.

.

 

__________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment