3612 Views

Madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Jordan

Madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Jordan
____________________________________________________________________________

Mudfish, 21 December – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Jordan Dr Jawaad Al-Anaani oo maanta booqasho ku yimid Soomaaliya, isagoo soo gaarsiiyey Madaxweynaha dhanbaal uu uga siday Boqorka dalka Jordan Abdalla II Ibn Al-Hussein.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey booqashada Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka uu dalka ku yimid, isagoo ka guddoomay dhambaal uu ka siday Boqorka Jordan. Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Jordan ayaa dhinaciisa aad ugu farxay soo dhoweyntii loogu sameeyey Soomaaliya, isagoo ka warbixiyey sida boqortooyada Jordan ay u daneyneyso xoojinta iyo iskaashiga xiriirka Soomaaliya ay la leedahay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jordan ayaa yiri “Soomaaliya iyo Jodan waa labo dal oo wallaalo ah oo leh xiriir dheer oo qoto dheer, booqashadaada Muqdisho iyo dhambaalka Boqorka Jordan waxey na tusineysaa sida Jordan ay uga go’antahay taageerada shacabka iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Waxaan kaaga mahadcelinayaa booqashadaada taariikhiga ah ee aad Muqdisho ku timid iyo gaar ahaan dhambaalka Boqorka Jordan Abdalla II Ibn Al-Hussein. Sidoo kale iga gaarsii dhambaal kaa la mid ah iyo in Soomaaliya ay marwalba diyaar u tahay xoojinta xiriirka wallaaltinimo ee labada dal.”

Madaxweynaha Sooaaliya ayaa ugu danbeyntii sheegay in la joogo waqtigii uu bilaaban lahaa dedaalka Jordan ay uga qeyb-qaadaneyso horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca maashaariicda wax soo-saarka iyo adeegyada kale. Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa salaan u diray Boqorka Jordan, isla markaana ballan qaadey in Soomaaliya ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka tooska ah ee ka dhaxeeya labada dal.

amb-jordan-2 amb-jordan-3

.

.

.

____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment