3291 Views

RW Ku-Xigeenka dalka oo la kulmay dhigiisa dalka Urdun

RW Ku-Xigeenka dalka oo la kulmay dhigiisa dalka Urdun
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 21, 2016 – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Maal-gashiga dalka Urdun Dr Jawaad Al Canani ayaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal, maal-gashiga, iyo sidii wax looga qaban lahaa fikirka xagjirnimada ee caalamka Islaamka ka jirta.

“Urdun waa dal xidhiidh walaaltinimo naga dhaxeyo oo waqtigan ay tahay in aan iska kaashano maal-gashiga, waxbarashada, iyo sidii dhalinyarada xirfado shaqo loogu abuuri lahaa”.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa sidoo kale kala hadlay dhigiisa dalka Urdun sidii Soomaaliya ay uga faa’ideysan laheyd horumarka dhanka caafimaadka ee ay gaadhay dalka Urdun islamarkaana Soomaaliya ay u noqon karto albaab ay ka soo gasho Afrika.

“Soomaaliya waa dal saameyn weyn ku leh ganacsiga geeska Afrika oo ay cadeyn u tahay sida dadka Soomaaliyeed ay ganacsiyo guuleystay uga abuureen dalalka geeska Afrika, waa fursad muhiim u ah Urdun si ay geeska Africa u la yeelato xiriir ganacsi; dhanka kale waxa aan doneynaa in aad naga caawisaan sare u qaadida tayada caafimaadka dalka”.

Ugu dambeyn Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa sheegay in Soomaaliya ay safka hore uga jirto sidii Dowladaha Carabta iyo wadamada Afrika u
dhexmari lahaa xiriir dhaqaale.

arte_4 arte_3 arte_2 arte_1

.

.

.

_____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment