3468 Views

Faroole ”Ganacsigii Puntland waxaa xayiray dagaal oogayaal maamulka Puntland Ku Jira”

Faroole ”Ganacsigii Puntland waxaa xayiray dagaal oogayaal maamulka Puntland Ku Jira”
____________________________________________________________________________

Garowe | December 23, 2016 – Madaxweynihii hore ee Puntland xiligan ah musharax madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayuu ka kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin  ganacsigii  furnaa ee u dhexeeyay Puntland iyo goboladda kale ee dalka  oo uu sheegay inuu xirmay, Dilalkii ka dhacay magaaladda Bosaso iyo doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya.

Wuxuu ku eedeeyay xubno  kooban oo ka tirsan Maamulka Puntland ay masuul ka yihiin xayiraadka ganacsigii furnaa, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin dagaal oogayaal cusub.

”Waxaa jira in Puntland 18 sano uu mamul ka jiray,ilaa 1992 oo halkan aan anigu joogay ganacsigii Soomaaliya isu furnaa waa xairmay,waxaana xayiray dad yar oo kooban oo ku jira maamulka Puntland oo dagaal oogayaal cusub noqday”, ayuu yiri Faroole.

Musharrax Faroole ayaa sidoo kale ka hadlay dilalkii qorsheysnaa ee ka dhacay magaalada Boosaaso, wuxuuna sheegay in tallaabadan qeyb ka tahay dhibaatada amni ee ka jira dalka Soomaaliya guud ahaan.

Boosaaso waxaa lagu dilay labo nin masuuliyiin ah, oo mid ka mid ah aan annigu aqiinay oo nin muumin ahaa, dad ciilqabayaal ah ayaa dilay, oo puntland ku bilaabatay”, ayuu yiri

DHAGEYSO FAROOLE iyo DHAQAALAHA PUNTLAND

Geesta kale, Cabdi-raxmaan faroole oo ah Murashaxa u tartamaya Madaxweynaha Somalia wuxuu taageeray digniintii dhawaan kasoo baxday beesha caalamka ee ku aadanayd doorashada Somalia iyo musuq-maasuqa hareeyay wuxuuna tilmaamay  in musuq-maasuqa la sameeyey ay qeyb kawada yihiin guddiyada doorashada,madaxda maamul-goboleedyada iyo hoggaanka dalka.

”Majirto cid ka madax bannaan cid kasta waa ku lug-leedahay, maamul kasta waa ku jiray midba in ha u le’ekaado oo ha ku kalasii darraadeen iyo xaruntuba, maxaa yeelay in badan oo maamullada dadka jooga kamid ahi waa taageerayaal, qaybtood waxay maamulayaal olole, amaba iyagaa murashaxiin ah, xafiiska ragga joogana hadde warkooda waad haysaanoo waa murashaxiin”, ayuu yiri

Ugu dambeyn, Murashax Faroole wuxuu ku eedeeyay hoggaamiyayaasha madasha qaran ee muqdisho ku shiraya inay ku guuldaraysteen inay go’aan ka gaaraan geedi socodka doorashada Somalia, islamarkaana ay mudeeyaan xiliga ay dhacayso doorashadda gudoomiyaha iyo madaxweynaha Soomaaliya oo mudadii hore loogu ballamay hada la dhaafay.

.

.

.

___________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment