3435 Views

Michael Keating oo eedeeyay Puntland

Michael Keating oo eedeeyay Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 24, 2016 – Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa qoraal degdeg ka soo saaray xaaladda colaadeed ee dib uga soo cusboonaatay magaalada Gaalkacyo.

Wakiilka ayaa qoraalkisa ku sheegay inuu si weyn uga walaacsan yahay qalalaasaha ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo 23-ka bishan oo keenay inay ku dhinteen 3 qof iyo dhaawaca tiro kale, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada inay u hogaansamaan xabad joojinta.

Wuxuu si cad ugu sheegay maamulada Galmudug iyo Puntland inay khilaafaadka u dhaxeeya ku xalistaan si nabad ah oo aan gacan-ka-hadal lahayn, ku heshiiyaan sidii loo qaadi lahaa isbaarooyinka, dibna loogu furi lahaa wadooyinka xiran.

Wuxuu xusuusiyay xaaladda Gaalkacyo ee bani’aadaminimo iyo abaarta ba’an ee ka jirta degaanka, wuxuuna ku eedeeyay in Gawaari xamuul ah oo raashin deeq ah u siday dadka abaartu heyso lagu xayiray Waqooyiga Gaalkacyo muddo 3 toddobaad ah, arirntaasna ay Puntland ka dambeyso.

Warkan ka soo baxay xafiiska ergeyga Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa lagu sheegay, in labada maamul ee Puntland iyo Galmudug inay tahay inay tallaabo aan gacan ka hadal ahayn inay ku xalliyaan khilaafka dhexyaalla, isla markaana ay u qaadaan tallaabooyin ay dib ugu furayaan waddooyinka, ciidamadana u kala qaadaan, waxana ergeyga qaramada midoobay uu sheegay in cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida in dabagal lagu samayn doono.

.

.

__________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment