3456 Views

Wafdi wakiil ka ah Siilaanyo oo lagu arkay Xamar

Wafdi wakiil ka ah Siilaanyo oo lagu arkay Xamar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 24, 2016 – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia Safar qarsoodi ah ku jooga Guddiga Ictiraaf-raadiska iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Somaliland.

Wafdiga ayaa la sheegay inuu wakiil ka yahay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Silaanyo waxaana la xaqiijiyay in la dajiyay Hotelka Jaziira Palace ee u dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, sida uu xaqiijiyay Mas’uul ka tirsan Dowlada Somalia.

Wafdigaani ayaa la sheegay inay daba socdaan Arrimaha Doorashooyinka, gaar ahaan 60-ka Xildhibaan ay Beelaha Waqooyi ku leeyihiin Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.

Wafdigaani ayaa waxaa la sheegay in Hotelka Jaziira Palace ee magaalada Muqdisho kula kulmeen Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowlada uu wakhtigeedu dhamaaday, waxaana lasoo warinayaa inay joogi doonaan muddo Asbuuc ah, sida aan Xogta ku helnay.

Wafdiga uu Wakiilka ka yahay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Silaanyo, ayaa Madaxda kala xaajooday wadahadalka labada dhinac ee Hakatka ku jira iyo Arrimo kale oo la xiriira Doorashooyinka.

Ilo ku dhow dhow Wafdiga ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ee kulanka wada qaatay ay isla meel-dhigeen in haddii wax horumar ah laga gaari waayo wada-xaajoodkaasi in muddo 10 sanno gudaheeda loo oggolaan doono Gooni-isku-taagga Somaliland.

Sidoo kale, Wafdiga ayaa kulamo la qaatay Siyaasiyiinta Somaliland ee ka tirsan DFS iyo Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi, waxaana la faray inaysan qaadikarin talaabo aysan raali ka aheyn Somaliland.

Lama sheegin Macluumaadka dheeriga ah oo ay is dhaafsadeen Wafdiga, Siyaasiyiinta iyo Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi.

.

.

Xigasho: Caasimada Online

_____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment