3102 Views

Baarlamaanka Cusub oo yeeshay guddoomiye kumeel gaar ah

Baarlamaanka Cusub oo yeeshay guddoomiye kumeel gaar ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 27,2016  – Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta doortay guddoono kmg gaar ah, si ay u qabtaan shirka lagu soo dooranayo Gudoomiye-yaasha Labada Aqal.

Cismaan Cilmi Boqore, ayaa waxaa loo doortay Gudoomiyaha kmg ee Aqalka Hoose, halka Maxamed Xuseen Raage (Surwaal Wayne) loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha kmg ee Aqalka Sare.

Xubnaha la doortay, ayaa lagu sheegay labada nin ee ugu da’da wayn Labada Aqal, iyagoona soo qaban qaabin doona doorashada Gudoomiyeyaasha Labada Aqal iyo Ku Xigeenadooda.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka uu waqtigiisu dhammaaday, ayaa sheegay in labadaasi nin ay yihiin kuwa ugu da’da wayn Xildhibaanada Labada Aqal.

Jawaari ayaa ka dalbaday xildhibannada in laga cafiyo haddii ay jireen wax qaladaad ah oo ka dhacay mudadii uu soo hayay xilka guddoonka baarlamaanka.

Ragga maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho, ayaa la wareegi doona hawlaha Labada Aqal, illaa iyo inta laga soo dooranayo Guddoonadooda saxda ah.

.

.

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment