7335 Views

WAREYSI: Shariif Xasan ”Rajo weyn baan ka qabaa in aan noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya”

WAREYSI: Shariif Xasan ”Rajo weyn baan ka qabaa in aan noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya”
____________________________________________________________________________

Addis Ababa | December 29, 2016 – Madaxweynaha Maamul goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Khamiistii maanta dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaddib markii uu noqday safar uu ku tegey dalka Sacuudi Carabiya.

DHAGEYO

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa toddobaadkii hore uga qeybgalay Addis Ababa shir ay ka qeybgaleen Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle iyo wakiilo ka kala socday dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo dalal kale.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in kulankaas uu ku aqbalay inuu ka tanaasulo musharaxnimada Madaxweyne kadib markii cadaadis ay saareen dalal ka mid ah wadamada sida gaar ah u daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa si cad u qeexay, inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya.

”Aniga Musharax Madaxweyne ayaan ahay, waxaana diyaar u ahay in aan bulshada ku hoggaamiyo si cadaalad ah una adeego, rajo weyn ayaana ka qabaa in aan noqdo Madaxweynaha Soomaaliya”, ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha koonfur Galbeed.

Dhawaan ayay aheyd markii warbaahinta Soomaalida ay baahiyeen in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka tanaasulay musharaxnimadiisa, kaddib markii cadaadis xooggan ay saartay dowladda Itoobiya.

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment