4905 Views

Wasiiro iyo Xildhibaano wada qorshe dib markale loogu soo dooran lahaa Prof. Jawaari

Wasiiro iyo Xildhibaano wada qorshe dib markale loogu soo dooran lahaa Prof. Jawaari
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 29, 2016 – kaddib markii ay si rasmi ah uu u bilowday ololaha doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa waxa socda qorshe la doonayo in dib xilkaasi loogu doorto Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Koox ka kooban Wasiiro, xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa diyaarisay Qorshe la yaab leh oo culeyska looga qaadayo Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), kaasoo lagu soo dooranayo in dib loogu sharxo xilka.

Qorshahan oo ay hormuud u yihiin siyaasiyiin ku kacsan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ujeedkiisu yahay xaflad weyn oo aan hore loo arag taasoo Prof. Jawaari looga codsanayo inuu mar kale isu taago tartanka Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub.

Guddoomiye Jawaari oo albaabada ka xirtay Xildhibaanada BaarlamaankaMaalmaha soo socda ayaa lagu wadaa inay munaasabadaasi ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana ka dambeyn doona inuu Prof. Jawaari ku dhawaaqo musharaxnimadiisa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad, taasoo dhinaca kale dhabar jebin ku noqon doonta qorshihii Shariif Xasan ee xilka madaxweynaha.

Wasiiro hore, xildhibaano ku guuldarreystay kuraas ay ka helaan doorashadii Baydhaba iyo siyaasiyiin kale oo ku kacsan Shariif Xasan ayaa dadaalkooda isugu geeyay inuu mar kale soo laabto Prof. Jawaari, kadibna ay kala firdhiyaan qorshihii Shariifka ee xilka Madaxweynaha iyo gorgortankiisa xilalka waaweyn ee beeshiisa.

 

 

.

.

Xigasho: Horumar Online

_________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment