8664 Views

Xamar xaqeeda xagee ku maqan yahay…?

Xamar xaqeeda xagee ku maqan yahay…?
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 29 December 2016 |   Waxaa muddo dheer la isla dhexmarayay Sababta Gobolka Banaadir arinkiisa cakirisay ama aysan u suurto geli karin in loo cabiro ama loo sooro sida gobollada kale ee dalka, laakiin hadii xaqiiqda la abaaro XAMAR xauuqdeeda waxay u baahan tahay in sida ay tahay oo aan caadifadaysneeyn loo abaaro.

Hadaan wax yar dib u fiirino xilligii dowladnimada horteed Caasimmadda Muqdisho waxay ahayd magaalo yar oo ahayd Xaruuntii Isticmaarka, halkaasuu kaga talin jiray wadanka intiisa kale, waxay degaan u ahayd dad kooban oo qiyaastooda uu ka warqabay Isticmaarkii Talyaanigu kuwaasoo inta gudaha ku jirta iyo inta baadiyaha ka soo gasha maalintii uu kontoroolkooda ka war qabay lahaydna shuruuc lagu joogo, lagu dego iyo mid lagu ganacsadaba.

Iyadoo aanan lagu heshiin ayay Muqdisho yeelatay calaamadaha Caasimad ay lahaan karto marka la barbar dhigo guud ahaan magaalooyinka wadanka, iyadoo aad ugu hormartay magaalooyinka kale ee dalka Soomaaliya xag Tasiilaad, horumar iyo cimilo intaba, Ummadda Soomaaliyeedna u noqotay magaalo soo jiidasho leh lehna dhaqanka lagu yaqaano magaalooyinka waawayn ee caalamiga ah maadaama dadka Soomaalida ah oo dhami ku sugnaayeen una sinaayeen.

Waxay magaaladu fiday oo faaftay xilligii Kacaanka, maamulkaas oo ku balaariyay degaamo kale oo aysan dadkii hore u joogay gaari karin degmooyin cusubna abuuray halkii 6 degmo keliya ka ahayd kacaanka ka hor ( Xamarwayne, Boondheere, Kaaraan, Cabdulcasiis, Isku-raran & Wardhiigleey) uu ku daray 10 degmo oo cusub oo isugu jiray kuwo labo loo qaybiyay iyo Degmooyin cusub oo la sameeyay ( Shangaani, Waaberi, H/Wadaag, Hodan, Wadajir, Xamar jajab, Yaaqshiid, Dharkaynleey, Huriwaa iyo Dayniile) degmooyinkaan cusub oo ay ah dhulka ugu degaanka iyo dadka badan badan Xamar.

Xamar waxay noqotay magaalo METROPOLITAN ah, dhaqanka lagu yaqaano Metropolitan waa dhul ay degaan qaybo ka mid ah dadkii loogu yimid ( INDIGENNOUS) iyo qaybo aad u waaweyn kana balaaran dadkaa loo yimid degaannadooda oo ay degaameeysay dawlad ama maamul jiray loona degaameeyay dadka soo galay ( IMMIGRANTS), kuwaa oo ka kooban dadka Soomalida ah dhamaan, maadaama Soomaalidu isku dhaqan, Luqad iyo Diin tahay waxaa lagu fasiri karaa inay ka kooban yihiin qabaa’illada Soomaalida oo dhan, halka Metroplitanka caalamiga ah ee magaalooyinka waawayn lagu cabiro habka Bulshooyin kala dhaqan iyo isir duwan magaalo ay wada degaan (Multicultural).

Hadaan ka dhigo Xamar Gobol oo aan barbar dhigo Tusaale Gobolka Galguduud oo ka kooban Dhuusamareeb, Ceelbuur, Ceeldheer, Cabuudwaaq, Galhareeri, Cadaado iyo Balanbale oo lagu qaybsaday degmooyin, waxaa imaanaysa in Gobolka Banaadir isagana 17-ka Degmo loo fiiriyo sida loo degan yahay iyadoo 3-da Milyan oo aan hal reer keliya ahayn in wax loo qaybiyo uu arinku isugu imaanaayo.

Waana tan keentay iska daa inay dadkeedu is ogolodaane aysan xitaa suurtagal ka noqon 26 Sanno inay gole degaan iyo maamul loo dhan yahay doorashana ku yimaada samaysan karin, mar walbana ruux qabiil lagu soo magacaabo decreto Villa Somalia oo aanan ku dhalan magaalada loo dhiibo xilka, tusaale Xamar waxaa isaga dabamaray maamulkiisa Maxamed Dheere, Tarzan, Muungaab iyo Sheekha hadda jooga intuba ma aha dad ku dhashay Xamar laakiin waa la hayb qayb reerkaa ka mid ah oo magaalada Muqdisho degta, iyagoo ku kooban keliya dhowr degmo oo ay dadka beelahaas ka soo jeeda degaan ahaan u degi jireen, qaybaha kale oo dhanna uusan Xukunkaasi gaari karin.

Magaalo cadaalad darro dhexdeeda ay ka jirto sedka ay leedahay lama ogaan karo, waa inay Magaalada Muqdisho marka hore xisaabtantaa xaqana garataa, anigoo ah dadka asal ahaan dhowr fac ka soo jeeda magaalada Muqdisho hadii aan taas aaminsanahay Soomalidii kale ee degaan ahaan u deganayd Xamar ama hantidoodu taalay waxna ka dhisay magaalada maxaad ka filaysaa fikirka ay ka qabi karaan Muqdisho..?

Jawaabtu waxay tahay si fudud HA QATANAATO EBEL MAAN QUUD KA HELAAYAY ..!!!

DAAWO MUUQAALKAAN

 

Mustafa Salad Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment