4293 Views

Abaalmarinta HIRDA Achievers Award 2016 oo lagu bixiyay dalka Holland (SAWIRRO)

Abaalmarinta HIRDA Achievers Award 2016 oo lagu bixiyay dalka Holland (SAWIRRO)
____________________________________________________________________________

Holland | December 31, 2016 – Waxaa Magaalada Amsterdam ee wadanka Netherlands lagu qabtay Munaasabad lagu bixinayay Abaalmarinta (HIRDA Achievers Award 2016), kaasi oo sanadkii labaad ay qabaneyso Hey’adda HIRDA. Abaalmarintaan ayaa ah mid la siiyo shaqsiyaad iyo Hey’addo bulshada wax u haya, kuwaasi oo loo garto in ay yihiin shaqsiyaadka sanadka.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Marti sharaf aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen, Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya wadamda Benelux iyo xarunta EU-da, Dr. Ali Said Faqi, Maamulihii Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed Prof. Abdi Farah, Xildhibaan hore ugu tirsanaa Dowlada Somalia, Cabdiraxmaan Macalin, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Holland, Ali Waare, Qoraa Yaasmiin Allas iyo xubno kale oo ka tirsan Hormuudka Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Netherlands.

Abaalmarintaan oo la siiyo illaa iyo 5-xubnood, ayaa waxaa sanadkaan 2016 loo gartay;

1- Elian Yahye, oo ah wiil dhalinyaro Soomaali-Dutch ah, oo sanadkaan ku guuleystay in uu dhalinyarada wadanka Netherlands, wakiil ugu noqdo xarunta Qaramada Midoobe ee (United Nations), ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee sanadkaan la siiyo Abaalmarinta HIRDA Achievers Award, waxa ayna Hey’adda HIRDA ku amaantay dadaalkiisa ku aadan in uu kasoo dhex muuqdo Qowmiyaddo kala gedisan, isla markaana uu matalo dhamaan dhalinyarada ku nool wadanka Netherlands.

Elian oo munaasabadda ugu maqnaa safar dhinaca dibadda ah darteed, ayaa fariin dhinaca muuqaalka ah oo uu ugu qeyb qaatay Munaasabadda waxa uu ku sheegay in Abaalmarintaan ay dhiira-gelin u tahay dhamaan dhalinyaradda ku nool wadanka Netherlands, isagoona ugu baaqay dhalinyradda in ay muujiyaan dadaal dheeri.

2- Telefishinka Soomaalida dalka Holland ee (Somali4all) oo xaruntiisa tahay Magaalada Amsterdam ee wadanka Netherlands ayaa nasiib u yeeshay in sanadkaan ay helaan Abaalmarinta HIRDA Achievers Award, iyagoona lagu Amaanay dadaalkooda ku aadan in ay kasoo dhex muuqdaan saaxada warbaahinta dalka Holland gaar ahaan dhinaca muuqaalka.

Muxiyaddiin Maxamed Xasan oo ka mid ah Maamulka Tv-ga Somali4all, ayaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta, isagoona Hey’adda HIRDA kaga mahadceliyay Abaalmarinta ay u garatay Telefishinka Somali4all, waxa uuna sheegay in Abaalmarintaan ay ku dhiira-gelineyso sidii ay usii wadi lahaayeen howlahooda shaqo.

3- Kooxda Waayaha Cusub, oo ah koox fanaaniin Soomaaliyeed oo xilligaan fadhigoodu yahay dalka Holland ayaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta HIRDA Achievers Award, iyagoona lagu amaanay sida ay fankooda ugu cabireen dhinac weliba, sida wadaniyadda, arrimaha bulshada iyo baraarujinta dadka.

Guddoomiyaha kooxda Waayaha Cusub Shiine Akhyaar oo Abaalmarintaan la guddoonsiiyay, ayaa sheegay in dhankooda ay dhiiragelin u tahay Abaalmarintaan, isagoona Hey’adda HIRDA ku amaanay isda ay isugu xil-qaantay in ay bulshadeeda u dhiira-geliso.

4- Drs. Zahra Siyaad Naaleeye oo ka tirsan Dallada FSAN ayaa lagu abaalmariyay HIRDA Achievers Award, kadib markii loo aqoonsaday u dhaq-dhaqaaqida ka hor-taga gudniinka fircooniga iyo xuquuda Haweenka.

Naaleeye ayaa waxa ay sheegtay in muddo badan ay ku howlaneed sidii ay ugu hadli laheyd xuquuqda Haweenka iyo sidii loogu hortagi lahaa gudniinka fircooniga, waxa ayna xustay in Abaalmarinta la guddoonsiiyay ay tahay mid kusii dhiira-gelineysa sii wadida howlaha ay bulshada u heysay.

5- WALAAL AFURI Worl-wide, oo ah barnaamij loogu gar-gaaro dadka tabarta yar xilliyada lagu jiro bisha Ramadaan, isla markaana ay isku xil-qaameen dhalinyarro Soomaaliyeed oo wax weyn ka badalay nolosha malaayiin tabar daran, oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo wadamada dariska oo ay Soomaalida ku barakaceen, ayaa la guddoonsiiyay HIRDA Achievers Award.

Yuusuf Mohamed Abdi (Yuusuf Yuusuf) oo wakiil ka ahaa Bahda Walaal Afuri isla markaana guddoomay Abaalmarinta HIRDA Achievers Award, ayaa waxa uu sheegay in ay ka mahad-celinayaan dhamaan walaalaha u istaagay Barnaamijka Waalaal Afuri Abaalmarinta la guddoonsiiyay, waxa uuna dhinaca kale bulshada ugu baaqay in ay gacan ka geystaan Barnaamijkaan loogu gar-gaaro qof weliba oo dhibaateysan.

Ugu danbeyn Maamilka Hey’adda HIRDA ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan Barnaamijkaan loogu magacdaray HIRDA Achievers Award si loogu dhiira-geliyo dadka iyagu wax kusoo kordhiya ama wax u qabta bulshadooda “Waxaa Wanaagsan in aan dhexdeena is garano, oo qof weliba bulshadeena ka mid ah meel weliba haku sugnaadee ku ammaanno ugu mahadcelino waxa uu bulshadiisa u hayo, waan hubaa in dad badan ay mudan yihiin wax ka badan Abaalmarinta HIRDA Achievers Award, balse tani waa mid aan ku dhiira-gelino dadka aan u garanay in aan siino, waana sii wadi doonnaa barnaamijkaan si bulshada inteeda kale kuwooda wax qabtay aan u gaarsiino” Ayey tiri Agaasimaha Hey’adda HIRDA Fatumo Farah.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa hadalo ka jeediyay marti sharaf qaali ah oo goobta ku sugneed, iyadoona dhinaca Maaweelada ay ka qeyb qaadanayeen fanaaniin Soomaaliyeed, oo ay ka mid ahaayeen, fanaanka weyn Abdi Baadil Ibraahim, Aweys Ali Winkey, Yaxye Fantastik iyo Dj Lii, kuwaasi oo goobta kusoo bandhigay heeso aad u xiiso badnaan, iyadoona munaasabadda ay kusoo idlaatay jawi aad u qurux badan.

.hirda-achievers-award-2016-01 hirda-achievers-award-2016-018 hirda-achievers-award-2016-015 hirda-achievers-award-2016-013 hirda-achievers-award-2016-011 hirda-achievers-award-2016-010 hirda-achievers-award-2016-06 hirda-achievers-award-2016-3 hirda-achievers-award-2016-02 hirda-achievers-award-2016-03

.

.

________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment