4209 Views

Gaas iyo Keating oo Kulmay

Gaas iyo Keating oo Kulmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 31, 2016 – Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo  ku sugan magaalada Muqdisho  ayaa maanta 31 December 2016 magaalada muqdisho kulan kula qaatay wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ambassador Michael Keating.

Kulanka ay yeesheen madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wakiilka qaramada midoobey Mr Michael Keating ayaa waxa uu ka qabsoomay xafiiska qaramada midoobey ee magaalada muqdisho, waxaana lagaga wada halay arimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya iyo abaaraha baaxadaleh ee ka jira Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horay uga xogwaramay safiirka qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Keating abaarta baaxadaleh  ee ka jirta Puntland waxaana uu tilaamay madaxweynu in Dawladda Puntland iyo shacab keeda oo iskaa shanaya ay u fidiyeen gurmad dadka abaartu wax yeelaysay, hase ahaateeh aanay ku filayn intaasi ee ay u baahan tahay inay gacan ka gaystaan beesha caalamka iyo cidkasta oo gacan ka gaysan karta caawinta dadkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay inay ka wadda haleen safiirka doorashadda Soomaaliya ee haatan maraysa gebagebadda, islamarkaana waxa uu madaxweynu sheegay in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu markasta diyaar u yihiin sidii ay guul ugu dhamaan lahayd doorashadu loona heli lahaa dawlad lagu soo doortay daanaha shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ambassador Michael Keating ayaa dhankiisa  timaamay inay diyaar u yihiin inay ka qayb qataan abaarta baaxadaleh ee ka jirta Puntland, islamarkaana ay la wadaagidonaan dawladdaha xunaha ka ah qaramada midoobey sidii loo caaawinlahaa dadka abaartu wax yeelaysay ee reer Puntland.

Dhinaca kale ambassador Michael Keating ayaa Dawladda Puntland iyo shacabkeeda ku amaanay sidii hufnaynd ee ay meel uga soo wadda jeesteen qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya ee 2016-ka.

Ugu danbayn, madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  shegay in Dawladda puntland iyo shacabkeedu diyaar u yihiin dhamaystirka doorashooyinka Soomaaliya , islamarkaana ay meel uga soo wada jeedaan inay ku qabsoonto doorashadu wakhtigii loogu talo galay.

.kulanka-gaas-iyo-keating5 kulanka-gaas-iyo-keating1

.

.

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment