3825 Views

Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan oo ka soo degay Muqdisho & kulamo uu la yeelanayo Xildhibaanada

Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan oo ka soo degay Muqdisho & kulamo uu la yeelanayo Xildhibaanada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Decemeber 31, 2016 – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa duhurnimadii Sabtida maanta ka degay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, iyadoo soo dhawayntiisu ay ka qaybgaleen Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Odayaal Dhaqameedyo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Jimcihii shalay gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, ayaa xalay ku hoyday magaaladaasi, iyadoo saakayna uu uga soo amba baxay dhinaca Caasimadda Muqdisho.

Geesta kale, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu maanta uu qado sharaf ugu sameeyay Xildhibaanada Labada Aqal, ee laga soo doortay Deegaanada Koonfur Galbeed.

Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ka soo jeeda, ayaa sidoo kale la soo sheegaya in lagu soo casuumay qado sharaftaasi.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan, ayaa Magaalada Muqdisho u tagey ololihiisa ku aadan jegada madaxtinimada dalka, oo sida uu sheegay uu jeclaan lahaa in uu sanadkan noqdo hoggaamiyaha dalka.

Ugu dambeyn, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa Khamiistii sheegay in uu Muqdisho ku soo wajahan yahay, halkaasina uu ka sii wadi doono ololihiisa doorashada xilka madaxtinimada dalka.

.

.

___________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment