5520 Views

Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran waa inay ixtiraamaan Dastuurka Dalka Soomaaliya. (Somali’s United for Change)

Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran waa inay ixtiraamaan Dastuurka Dalka Soomaaliya. (Somali’s United for Change)
____________________________________________________________________________

Dal Walba Dadkiisa ayaa dhisa. Dhibaato walbo waxaa naga saari kara Alle SWT iyo Dadaal aan la nimaadno ummadd ahaan. ka dib ayuu isbadalku dhacaa ama yimaadaa. “Fadlan qeyb ku yeelo isbadalka Dalka”.

U hiili dadka, dalka, diinta iyo ilaalinta Dastuurka Dalka.

Isbadalku wuxuu ka bilowdaa fikirka, wuxuuna ku dhamaada ficilka. Mar kasta oo aan wax ka badalno fikirkeena, waxaa isbadala sidoo kale hab dhaqankeena. Mar kasta oo hab dhaqankeenu wax iska badalaanna, waxaa is badala natiijooyinka la gaaro. Soomaaliya waxay joogtaa marxalad ay u baahantahay Isbadal hoggaamined oo aysan ka gudbi karin. Waxaa maanta Isbadalkaas xaqiijin kara oo u horseedi kara Ummadda Soomaaliyed waa xildhibaanada Baarlamaanka cusub oo doorta Madax cusub oo dhowrta dastuurka dalka oo aan ku xadgudbin. Madax aan daneysan balse u daneya shacabka Soomaaliyed.

Hal xildhibaan oo rumeysta inay dadka Soomaaliyed u baahan yihiin Isbadal hoggamined oo dhab ah, ayaa suuro gal ay tahay inuu isbadalku ku imaado (xildhibaan isku day inaad noqoto xildhibaankaas ummadda u horseeda isbadalka oo ka saara dadkiisa dhibaatada haysata). Waxaad xusuusataan doorashadii Puntland ee Madaxweynaha loogu doortay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas inuu hol cod kaga guuleystay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud Faroole.

Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran waxaa lagu haystaa oo inbadan lagu edeeya inay ku xadgudbeen dastuurka dalka. Waxaa la gaaray waqti ay muhim tahay in la helo hoggamiyayaal leh aragti cusub oo Soomaaliyed iyo karti ay Ummadda Soomaaliyed uga saaraan xaalada aan dhamaan ee Rajo la’aanta ah oo ay ku jireen muddo ka badan rubuc qarni. Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliyed Masuuliyad culus ayaa saaran si loogu helo ummadda Soomaaliyed hoggaamiyayaal samatabixin kara oo ixtiraamaya dastuurka dalka. Xildhibaano marwalba ogaada oo xusuunaada xilka aad ummadda u haysaan waa Amaano Alle (SWT) waa idin kula xisaabtami doonaa. Waa inaad shacabka Soomaaliyed u doortaan Madax ilaalin kara sadexda eray ee aad ku dhaarateen oo kala aha Diinta, Dadka, Dalka iyo Ilaalinta dastuurka dalka.

Wax walba waqti ayay soo dhamaadaan Soomaaliya wixii hada ka danbeya ma qaadi karto dad Madax ah oo daneysta kuna xadgudba dastuurka dalka. Waxaa loo baahanyahay Madax ixtiraamaysa dastuurka, Madax u daneysa diinta, dadka iyo dalka. 

.

Tixgelin,

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment