3855 Views

Madaxweyne Xasan iyo eedeyntii Madaxweyne Shariif Sh. Axmed!

____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 3, 2017 – Madaxweynaha Soomaaliya ee uu waqtigiisii dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si maldahan uga jawaabay eedeymo maalin ka hor, uu u soo jeediyay Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa Axadii mid mid isu dul taagay waxyaabaha ay ku fashilmatay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoona uu muujiyay in dowladiisu ka hooseyso, halkii la joogay 2012.

Madaxweynaha Somaliya oo xalay taageere-yaashiisa kula hadlay Hotel City Palace, ayaa sheegay in ay soo noq noqotay eedeymaha ku aadan musuq maasuqa baahsan ee dalka ka jira.

“Waxaa soo noq noqday eedaha sheegaya in dalka musuq maasuq baahay uu ka jiro. Musuq maasuqa waxaa lagula dagaalamaa hay’ado dhisan iyo sharciyad ay leeyihiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Waxaa meelo badan nooga dhiman weli oo aan dhameystirmin hay’adihii, inkastoo sharciyaddii hay’adahaasi in badanoo ka mida ay jiraan, laakiin jiritaankoodii iyo qaabayntoodii, ay wax ka dhiman yihiin.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballanqaaday haddii markale la doorto in dagaal adag uu la geli doonin, sidii dalka looga suulin lahaa musuq maasuqa.

“Waxaan ballanqaadayaa in dagaal aan loo ganban oo laga cabsanin, oo aan leesu qaraabeysanin, leesu qolo qoleysanin, leesuna kooxo kooxeysanin ee dalka Somaliya loogala dagaalamayo musuq maasuqa iyo ku daneysiga ku takri falka awoodaha shacabka Somaliyeed, ay masuuliyiintoodu u dhiibteen, in dhaqan ku saleysan sharciyad la yaqaano oo qaanuun ah, in dalka laga dhaqangeliyo sida ugu dhakhsiyaha badan, haddii Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

.

.

Xigasho: Horumar Online

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment