5295 Views

Qaabka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Shuruudaha

Qaabka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Shuruudaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 3, 2017 – Iyadoo 11-ka bishan Janaayo la qaban doono Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa maanta bilowday qabashada araajida musharixiinta u taagan Guddoonka Baarlamaanka.

Marka la eego Qodobka 65-aad Dastuurka KMG ah shir guddoomiyaha KMG ah ee Golaha shacabka ayaa guddoominaya kulamada lagu dooranayo guddoomiyaha iyo ku xigeennada.

Hoos ka akhri qaabka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka:

  1. Guddoomiyaha iyo ku xigeennda waxaa lagu dooranayaa ugu yaraan aqlabiyad tirada guud ee xubnaha aqal walba (50%+1) oo coddeyn qarsoodi ah.
  2. Musharax kasta oo u tartamaya xilka xafiiska guddoomiyaha ama ku xigeennada waa inuu ka tirsan yahay Golaha uu guddoonkiisa u tartamayo.
  3. Musharax waliba waa inuu soo gudbiyaa Arji qoraal ah oo ay ku lifaaqan yihiin 2 sawir iyo Taariikh nololeedkiisa.
  4. Musharax waliba oo u tartamaya guddoomiyaha Golaha Shacabka waa in uu bixiyaa khidmada Diiwaan gelinta oo ah $ 15,000.
  5. Musharax waliba oo u tartamaya Guddoomiye ku xigeen waa inay bixinayaan $10,000 oo dha khidmad diiwaan gelin aan dib u celin lahayn, laguna shubayo xisaabta socota ee baarlamaanka ku leeyahay Bangiga dhexe.
  6. Musharax waliba oo u tartamaya jagooyinka guddoonka waa in murashaxnimadiisa uu soo jeediyaa uga yaraan hal Xildhibaan ama ka koo ka tirsan aqalka, kuna taageero hal xildhibaan ama ka badan oo isla aqalkiisa ah.
  7. Murashax kasta waa inuu Arjiga ku caddeeyaa jagada uu u tartamayo (Guddoomiye ama guddoomiye ku xigeenka 1aad ama 2aad).
  8. Waxaa jagada guddoomiyaha Golaha shacabka ku guuleysanaya musharaxii hela ugu yaraan aqlabiyadda (50%+1) tirada guud ee xubnaha golaha.
  9. Haddii musharax uu heli waayo aqlabiyadaas, waxaa loo gudbayaa codeynta wareegga labaad.
  10. Haddii wareegga koobaad kadib ay murashaxiin isu tanaasulaan ama iskood tartanka uga baxaan, oo labo murashax isku soo haraan, waxaa toos loogu gudbayaa wareegga 3aad, oo murashaxii hela codadka ugu badan ayaa ku guuleysanaya guddoomiyenimada golaha.
  11. Doorashada wareegga 2aad, waxaa u gudbaya oo keliya 4-ta musharax oo wareegga 1aad helay codadka ugu badan, haddii uu musharaxiinta helaan codod isla eg, waxay xaq u leeyihiin inay u gudbaan wareegga 2aad, musharaxii hela ugu yaraan aqlabiyadda boqolkiiba konton iyo hal (50%+1) tirada guud ee xubnaha golaha ayaa ku guuleysanaya guddoomiyenimada. Haddii musharaxiinta midkood helin aqlabiyaddaas, waxaa loo gudbayaa codeynta wareegga 3aad.
  12. Doorashada wareegga 3aad, waxaa ku tartamaya labada musharax ee wareegga labaad helay cododka ugu badan, haddiise uu jiro musharax 3aad oo helay codad barbardhac ah wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qeybgalo una gudbo tartanka doorashada wareegga 3aad. Wareegga 3aad waxaa guddoomiyenimada ku guuleysanaya mushaxii hela cododadka ugu tirada badan.
  13. Markii cod bixinta la soo gabogabeeyo, shir guddoonka KMG ah waxaa uu furayaa sanduuqa, codadka ayaa la tirinayaa, shir guddoonka KMG ah baa ku dhawaaqaya musharaxa ku guuleysta jagada guddoomiyaha ama ku xigeennada golaha.
  14. Guddoomiyaha cusub ee la doortay inta uusan xilka la wareegin waa inuu iska casilaa xil kasta oo uu u hayey xisbi siyaasadeed.
  15. Doorashada ku xigeenada guddoomiyaha waxaa la raacayaa isla nidaamka iyo habraaca kor ku xusan ee lagu doorto guddoomiyaha golaha.

.

.

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment