7425 Views

Waxqabadka Safaaradda Soomaalida ee Roma, Italy

Waxqabadka Safaaradda Soomaalida ee Roma, Italy
____________________________________________________________________________
Rome | January 4, 2017 – Safaaradda Soomaalida ee Roma Italy, Midda ugu shaqada badan safaaradaheena dibedda, waxaana ka howlgala shaqaale u carbisan shaqada ay hayaan.
Hadaba maraan safar aan ku tagay Caasimada Dalka Talyaaniga ee Roma ayaan booqday safaaradda Soomaaliya ee halkaasi ku taala, waxaana kula kulmay safiirka Soomaaliya u-qaabilsan Dalka talyaaniga, Mudane: C/raxmaan Sheekh Ciise, oo iiga xog-waramay hawlaha safaaradda iyo mudadii uu la wareegay mas’uuliyadda.
amb-abdirahman-sh-ciise-rom
Sidoo kale ayuu safiirku waxa uu ka warbixiyey hawlaha horyaalla iyo shaqada baaxadda leh ee ay safaaraddu u qabato shacabka Soomaaliyeed oo sheegay inay tahay mid ay habeen iyo maalinba u taaganyihiin sidii ay uga soo bixi lahaayeen waajibaadka saaran iyo hawsha ay u hayaan Dalkooda iyo Dadkooda.
Waxaan kaloo aan intii aan ku sugnaa Rome aan la kulmay qaar kamid ah mas’uuliyiinta iyo hawlwadeenada safaaradda oo iiga waramay inay marwalba u heelan yihiin hawsha ay hayaan oo ah mid baaxad weyne leh.
Safaaradda Soomaalida ee Roma Italy ayaa ah mida ugu weyn safaaradaha ka hawlgala dibedda, waxaana ay qabtaan shaqada ugu badan ee ay safaarad dibaddeedka Soomaaliya qabtaan, ayagoo waliba ku shaqeeya duruufo adag, oo ay sababeen qulqulka dadka Soomaalida ah ee baryahan dambe sida xawliga ah kusoo galaya qaaradda Yurub kuwaasoo intooda badan safaro dhinaca badda ah uga soo gala Dalkan Talyaaniga.
 amb-abdirahman-sh-ciise-ro1 amb-abdirahman-sh-ciise-ro2 amb-abdirahman-sh-ciise-ro3 amb-abdirahman-sh-ciise-ro4
.
.
by: Sanka
______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment