5736 Views

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo u sharaxan xilka Guddoonka Baarlamaanka

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye  oo u sharaxan xilka Guddoonka Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 4, 2017 – Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Talaadadii maanta si rasmi ah u shaacisay inay u taagan yahay xilka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho ayay ka sheegtay inay u taagan tahay xilka iyadoo aanay jirin cid wadata, waxayna tiri: ”Waxaan ahay Alle wate wehel uma baahna ayaan ahay, Alle ayaan ku tiirsanahay…’ ma qabo haba yaraaree cabsi… waxaan kalsooni weyn ku qabaa xildhibaanada Golaha shacabka inay iga aqbali doonaan codsigeyga..”.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka soo jeeda Beesha Shanaad ayaa lagu wadaa inay tartan la gasho dhowr musharax oo uu ugu weyn yahay guddoomiye ku xigeenkii hore Jeylaani Nuur Iikar oo mar labaad doonaya inuu soo laabto.

”Ilaa iyo hadda ma jirto cid kale oo isku soo sharaxday xilka aan isku soo taagay waxaan hubaa inaan kasoo bixikaro haddii la idoortana waxaan la imaan doonaa isbedel siyaasadeed oo dhab ah”, ayay tiri Xildhibaan Khadiijo.

Waxayna Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ay ka dalbatay in codka ay siiyaan si ay ula imaado isbedel muuqda oo la taabankaro.

Si kastaba, Khadiija ayaa lagu tilmaamaa inay gacansaar dhow la leedahay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna fursadda ay ku soo bixi karo xoogeysatay markii ay kordheen tirada haweenka ee soo galay Baarlamaanka.

.

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment