3165 Views

Cabdi Qaybdiid: ”Soomaaliya marxalad adag bay mareysaa, yaa samata bixin kara?”

Cabdi Qaybdiid: ”Soomaaliya marxalad adag bay mareysaa, yaa samata bixin kara?”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 6, 2017 – Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa farriiin dareen xambaarsan u diray Xildhibaanada Labada Aqal.

DHAGEYSO

Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale, ayaa wuxuu Xildhibaanada Labada Aqal kula dardaarmay, in ay ka run sheegaan kitaabka Qur’aanka Kariimka, oo ay ku dhaarteen in si daacadnimo ah ugu adeegayan dalka.

”Xubnaha Labada Gole ayaa waxaa laga doonayaa Kitaabka Jaamaca, Qur’aanka Kariimka, ay mareen, qof weliba gacanta saaray, inay aadaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale.

Xildhibaan Cabdi Qaybdiid, ayaa Xildhibaanada xusuusiyay in Somaliya ay maanta mareyso xaalad adag, loona baahan yahay in ay soo doortaan Madaxweynaha, ay u arkaan in dalka uu xaaladan adag ka saari karo.

”Walaalahey waxaan ugu baaqayaa inay eeggaan Somaliya marxalad adag bay mareysaa, yaa samata bixin kara? Qof weliba garashadiisa.” Ayuu yiri Cabdi Qaybdiid.

Xildhibaan Qaybdiid, ayaa intaa raaciyay ”Dadku aragtidiisu waa lagu kala duwan yahay, qofba si buu u arkayaa, laakiin niyad samidu iyo daacadnimada, Kitaabkii la marayna ka turjumeysa waxay tahay in dadka musharaxiinta Somaliyeed, ee madaxda ah ee tartamaaya qofka, qof weliba uu is leeyahay, maantay marxaladan adag wax buu ka qaban karaa ayaa la rabaa in codka la siiyo, ayadoon sharuud lahayn, dan iyo masaaliixna lagu xirin”.

.

.

.

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment