3630 Views

Al-Cutmani oo si wada jir ah ula kulmay Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashid – Sabab?

Al-Cutmani oo si wada jir ah ula kulmay Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashid – Sabab?
____________________________________________________________________________

Nairobi | january 7, 2017 – Ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markale ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Labadan mas’uul oo horel ula kulmay dowladda Kenya ayaa lagu warramayaa in iminka ay si wada-jir ah ula kulmeen safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Horumar.com u sheegay in Kulanka diirada lagu saaraayay doorashada Soomaaliya.

Mohamed Al-Cutmani, ayaa labada Musharax oo aan sanadahaani is arag si qoto dheer uga dhaadhiciyay rabitaankooda ku aadan Doorashada Somalia, ayada oo dowladda Kenya ay arrintan wax ka ogeyd, waxa uuna Al-Cutmani labada Musharax dhagtooda ku dhibciyay inaanu wadan shaqsi Seddexaad isla markaana looga baahan yahay inay la yimaadan hanaan is-baheysi.

Mohamed Al-Cutmani, waxa uu sidoo kale labada Musharax u sheegay in Dowlada Imaaraadka ay dhaqaale dheeri ah ku bixin doonto sida midkood uu ku noqon lahaa Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay in midkii ku haray wareega koowaad uu taageero kan kale. Lama oga danta Imaaraadka ka leeyahay isbaheysiga ay u abuurayaan Shariif iyo Sharmaarke.

Ugu dambeyn, Kulanka ayaa imanaya xilli ay dowladda Kenya sidoo kale daneyneyso in labadan musharax uu midkood kusoo baxo doorashada, taasi oo looga hadlay kulankii ay habeen hore la yeesheen.

.

.

_________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment