4287 Views

Doorashada Somaliya oo noqotay waxa loogu hadal hayn badan yahay gudaha Soomaaliya

Doorashada Somaliya oo noqotay waxa loogu hadal hayn badan yahay gudaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Janaury 7, 2017 – Doorashada Soomaaliya ayaa noqotay waxa loogu hadal haynta badan yahay dhammaan qeybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Hannaanka doorashada ee Soomaaliya ayaa ugu badan waxa goobaha bulshadu ku kulanto loogu hadal hayn badan yahay; laga soo bilaabo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ilaa hada Soomaalidu waxay qiyaasayaan horumarka siyaasadeed ee dalka kadib in ka badan rubuc qarni hoog iyo halaag dagaalka sokeeye uu keenay ah.

Intii dagaalka sokeeye uu aad usocday ayaa warbaahintu waxay diirada saari jirtay dagaalada iyo khasaaraha ka dhasha sida inta dhimata iyo inta dhaawacanta.

Hadase waxay warbaahintu aad diirada u saartaa hannaanka doorashada Soomaaliya iyo waxyaabo kale oo horumar dalka u leh.

Dad badan oo siyaasada qaadaa dhiga ayaa niqaasha isla markaana is dhaafsada aaraa ku saabsan hannaanka ayadoo doorashada madaxweyne la filaayo dabayaaqada bishaan Janaayo.

Qaadaa dhigga lagu sameeyo arinkaan ayaa mar walba qaata saacado ayadoo dadku wax u soo cunaan ama usoo cabbaan halkiina ka miisaan!

Doorashada ayaa waxaa xubnaha aqalada hoose iyo sare laga soo xulay Koofur-galbeed, Jubaland, Hirshabele, Galmudug, Banaadir, Puntland iyo Somaliland.

.

.

___________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment