5931 Views

Dowladda Soomaaliya oo dhaqaale xoogan ku bixineysa dib u soo laabashada JAWAARI

Dowladda Soomaaliya oo dhaqaale xoogan ku bixineysa dib u soo laabashada JAWAARI
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 7, 2017 – Dowlada Soomaaliya ayaa dhaqaale xoogan ku bixineysa dib usoo laabashada Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kamid ah Musharaxiinta looganka ugu jira qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Dowlada Somalia ee gabalkeeda uu dhacay ayaa raja ka qabta in Jawaari uu mar kale hogaamiyo Baarlamaanka cusub, iyadoo cudur daar laga dhigaayo inuu leeyahay khibrad ku filan.

Dowlada Somalia ayaa dib usoo laabashada Jawaari u mareysa dhanka Xildhibaanada BFS oo labadii maalin ee ugu danbeysay laga dhaadhicinaayay in dib ay usoo doortaan Jawaari.

Jawaari ayaa waxaa la tartamaaya Musharaxiin aan miisaan muuqda ku dhex laheyn Siyaasada dalka kuwaa oo ay wataan Ethiopia iyo Koonfur galbeed, waxaana adag in Doorashada uu kusoo baxo Musharax aan aheyn Jawaari, sida ay saadaalinayaan Siyaasiyiinta galaangalka ku dhex leh Siyaasada dalka.

Si kastaba ha ahaatee, dib usoo laabashada Jawaari ayaa Baarlamaanka Cusub ee Somalia u horseedi doonta Nidaamyo cusub oo waxbadan ka bedeli doona sharciyada sida KMG ah loogu xakumo dalka.

.

.

Xigasho: Horumar Online

____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment