7161 Views

Maqaal: Qorshaha Ethiopia ee Soomaaliya

Maqaal: Qorshaha Ethiopia ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Tan iyo markay  Ethiopia soogashay  waddanka Soomaaliya, waxaa rumowdey qayb ka mida rajadeedii ahayd inay hantido Soomaaliya, siyaasad ahaan, ciidan ahaan iyo bulsho ahaanba.

Saraakiishii military ee waddanka soo gashay  waxay  si fudud u fahmeen, qaab dhismeedka bulshada Soomaalida ee Qabaa´ilka ku salaysan. Ninka Ethiopa wakiilka ka ahaa welina ka ah ee magaciisa la yiraahdo General Gebre Adhana ayaa Qabiilada Soomaaliya waxa uu u dhex galay si xun isagoo ka shaqeeya inaysan Soomaaliyi isku imaan oo danteeda ka heshiin.

Gen Gebre waxa uu si wanaagsan u hanaqaadiyey, qorshihii Ethiopia ee Soomaaliya. Kaasoo ku salaysnaa qaybi oo xukun oo qaado.

danta-itoobiya-3

Ethiopia waxay halkeedii kasii wadday raadin cid kale oo fulisa danaha ay Soomaaliya ka lahaayeen. Waxayna heleen Kooxda DAMUL JADIID oo ay u arkeen inaysan ayagu danaynayn Xukun iyo dawladnimo Soomaaliyeed ee ay uun danaynayaan, inay hanti abuurtaan oo keliya.

Waxuu ninka la yiraahdo Gabre, kusii milmay Qabaa´illada hoose ee Soomaalida iyadoo hadda la arko, isagoo dhex taagan meel kasta oo ay ku shirayso Jifo Soomaaliyeed oo kasta, Kaasoo dabcan wax ka gooya Talada hoose ee reerka uu markaa la joogo , asagoo umuuqda inuuba ka tirsanyahay Jifo kasta oo Soomaalida Qabaa´ilkeeda ka tirsan.

Intii ay Kooxda DAMUL JADIID talada haysey waxaa u suuro gashay Ethiopia inay kamid noqdaan AMISOM oo markaa siinaysa sharciyad ka sarraysa ogolaanshaha dawlad Soomaaliyeed.


danta-itoobiya-5Qorshaha Ethiopia ee doorashadeena

Waxay fahmeen inaysan Helayn, madax uga dhago nugul, kuwa hadda talada haya ee Kooxda DAMUL JADIID. Marka taasi waxay  keentay, inay galaan olole xoogle sidii ay Kooxda DAMUL JADIID mar kale xukunka dib ugusoo laaban lahaydoo uu Xasan sheekh u noqon lahaa mar kale madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu Xassan Sheekh isaga daba noqday Ethiopia marar badan intii uu hadda ololaha doorashadu socdey.

Ethiopia ayaa waxay Gudoonka Baarlamaanka u soo sharaxday, Cabdiriid Xiddig iyo Faarax Cabdulqaadir, oo labaduba si toos ah oo aan dhuumasho layahn uga amar qaata Gen Gabre.

Waxaa intaas sii dheer Ethiopia oo Raysul wasaare u wadata inuu Soomaaliya ka noqdo Shariif Xasan haddii uu Xasan Sheekh ku guulaysto madaxweynaha Soomaaliya.

danta-itoobiya-2Madaxda Ethiopia ay u wadato inay Soomaaliya Hogaamiyaan waa:

  • Xidig: Gudoomiyaha Baarlamaanka
  • Faarax C/qaadir: Gudoomiye kuxigeen Baarlamaanka
  • Xasan Sheekh: Madaxweyanah Soomaaliya
  • Shariif Xasan: Raysul wasaaraha Soomaaliya

Sawirka kore Gen Genre oo amraya Faarax Cabdiqaadir oo hada ay Ethiopia u wado Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya

Haddii ay ku guulaysato Ethiopia qorshaheeda Doorashada Soomaaliya waxay si toos ah u maamuli doontaa Soomaaliya, iyadoo u diyaar garawga arintaas darteen dhawaan Sawaysay Wasaarada Kaluumaysiga & Dekedaha una magacawday Wasiiro!!!!

Qorshaha Ethiopia ee Dhulkeena

Qorshaha hagardaamooyinka Siyaasadeed aah waxaa Ethiopia u wehelisey, qorshe kale oo Bulsho. Taasoo ah in la helo qowmiyad Xabashi ah oo dhex dega kana mid noqda bulshada Soomaaliyeed. Waxaa  jooga Soomaaliya dad bilaa sharci iyo shuruud ah oo si aan la aqoon ugusoo gurmayey Soomaaliya, lagasoo bilaabo 1991.

Dadkaasoo inta badan qaatay, Shaqadii iyo dhulkii Soomaalida. Bal daa magaalooyinka iyo tuulooyinkee, waxaa hadda xattaa xoolaha raaca qoomiyadda Ethiopia. Kuwaasoo sidoo kale fala beeraha ,ka shaqeeya kaluumeysiga,  dhisa guryaha iyo jidadka .

danta-itoobiya-4

Mar hadday cadded intaas le´eg ku joogaan Soomaaliya oo ay weliba qaarkood  ku dhasheen kuna ilmo dhaleen, maxaa diidin inay sheegtaan lahaanshaha dhulkeena.

Waxaynu la wada soconnaa in Ciidamada shisheeye ee Soomaaliya jooga ay masuuliyadoodu is bed bedelaysey, sida iyagoo noqday, nabad ilaaliyeyaal, misana  nabad  dhaliyeyaal . Soo suurto gal ma aha in haddana taas la bedelo si loogu ilaaliyo xuquuqda qowmiyadda Ethiopia ee Soomaaliya?

Kuwaasoo loo bixinayo ilaaliyeyaasha qowmiyadaha “ Laga tirada badan yahay” ee Soomaaliya ama aan hubaysnayn, inta laga hubaynayo. Ama lagaba dhigo, ciidamada Ethiopia kuwo ah Soomaali, taasoo ka dhigta Soomaaliya, Soomaalida Bari ee Ethiopia.

Badbaadinta Dalkeena & dadkeena

Qorshaha Ethiopa, ee qaadashada Soomaaliya waxaa looga hortegi karaa  in xildhibaanada Soomaalidu aysan dib u dooran,  dadka marinka u ah damacaas Ethiopia, waa Kooxda DAMUL JADIID.

Hadday soo noqoto Kooxda DAMUL JADIID waxay dhamaystir u noqonaysaa qorshaha mudada dheer soo socday ee Ethiopia ay ka leedahay Soomaaliya, kaasoo ah inay qaadato.

Xildhibaanada Sharafta leh ee labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuridda Federaalka Soomaliya waxaan ka codasanaynaa inay BADBAADIYAAN dalkeena iypo dadkeena kana badbaadiyaan HORORNIMADA Ethiopia ay ku doonayso inay ku qaadato dalkeena.

Ha ogaado Xildhibaan walba in Aakhiro iyo aduunba lagula xisaabtamayo cadkiisa ayna waajib ku tahay inuu dalkiisa ka badbaadiyo Horonimada Itoobiya.

.

.

.

Soomaaliya soomaali baa leh

Soomaaliya Gebre ma leh, ee Soomaali baa leh

Guul Soomaaliya

Mahadsanidiin

Qore: Ali Jam.

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment