3006 Views

Mooshin xil ka qaadis oo laga gudbiyay Madaxweynaha Galmudug & Xildhibaannada oo go’aan adag ka qaatay

Mooshin xil ka qaadis oo laga gudbiyay Madaxweynaha Galmudug & Xildhibaannada oo go’aan adag ka qaatay
____________________________________________________________________________

Cadaado | January 8, 2017 – 46 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, ayaa maanta mooshin ka gudbisay Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada oo kulan ku yeeshay Magaalada Cadaado, ayaa waxay isla meel dhigeen mooshin xil ka qaadis ah, oo ay ka keenaan Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug oo u muuqdo kuwo ka careysan is hortaag shalay lagu sameeyay kulan ay ku lahaayen Magaalada Cadaado, ayaa cadeeyay in ay doonayan la xisaabtan ay la sameeyan C/kariin Xuseen Guuleed.

Xareed Cali Xareed, Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Galmudug oo akhriyay natiijada kulankii maanta, ayaa sheegay in 46 Xildhibaan ay haa ugu codeysay mooshinka laga keenay Madaxweynaha, iyadoo hal Xildhibaan uu diiday, halka mid kalana uu ka aamusay.

Sida ku cad Dastuurka Galmudug, Madaxweynaha waxaa xilka ka qaadi karta 45 Xildhibaan, haddii ay saluug ka muujiyan shaqada Madaxweynaha.

Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada saxiixay mooshinka, ayaa ku waramaya in mooshinkan uu ka dhashay xil gudasho la’aan ku aadan Hogaamiyaha Galmudug.

Xildhibaan Duraan Cali Jaamac, ayaa si adag ugu eedeeyay Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed in uu iska jooggo Magaalada Muqdisho, isla-markaana uu ka gaabiyay wixii loo doortay.

Baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 89 Xildhibaan, ayuu Duraan sheegay in uu ku kalsoon yahay in Xildhibaanadu u codayn doonto mooshinka kalsooni kala noqoshada Madaxweynaha.

Sabtidii oo lagu waday in uu furmo Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Galmudug, ayaa waxaa la sheegay in is hortaag uu ku sameeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey).

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir oo ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa Saxaafadda u sheegay in 45 cisho lagu daray fasixii Xildhibaanada.

.

.

________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment